Turkey Oo Bilaabay Duqaynta Dagaal Cir Iyo Dhul Ah Oo Ka Dhan Ah ISIS+Sawiro

0
Friday July 24, 2015 - 18:46:08 in by Burco Office
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkey Oo Bilaabay Duqaynta Dagaal Cir Iyo Dhul Ah Oo Ka Dhan Ah ISIS+Sawiro

    Istanbul (AFKA) – Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Turkiga ayaa saaka oo Jimce ah duqeyn la beegsaday sadex goobood oo ku yaal dalka Siiriya oo ay fariisin ku lahaayeen kooxda ISIS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Istanbul (AFKA) – Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Turkiga ayaa saaka oo Jimce ah duqeyn la beegsaday sadex goobood oo ku yaal dalka Siiriya oo ay fariisin ku lahaayeen kooxda ISIS.


Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanada u dhaw xadka Turkiga iyo Siiriya u dhaxeeya, weli macada khasaaraha ka dhashay duqentaasi.

Khamiistii shalay ayey kooxda ISIS weeraro ku qaadeen xaduuda Turkiga iyagoo dilay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Xaduuda illaaliya ee Turkiga.

Duqeyntan ayaa jawaab u ah weerarkii lagu dilay Askariga.

Olole ka dhan ah ISIS iyo PKK

Xalay ayey ciidamada Turkiga sidoo kale bilaabeen baaritaano ay ka sameeyeen guryo badan oo ku yaal magaalada Istanbuul. Ciidamada ayaa hawlgalkan ka sameeyey 26 degmo oo hoos yimaada Istanbul. Waxaana ka qeyb qaatay ciidamo gaaraya 5000 askari.

Xarumaha Ciidamada galeen ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ama xiriir laleh kooxaha ISIS iyo PKK.

turkish-xaduuda-istanbuul

Warar soo baxaya ayaa sheegay in hawlgalkii xalay uu hal qof ku dhintey isla markaana xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 251 qof.

Kooxda ISIS ayaa isniintii lasoo dhaafay 32 qof ku dishay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Suruç. Arbacadii ayey kooxda Kurdida PKK iyaguna dileen labo askari oo turki ah oo ay ku sheegeen inay xiriir la lahaayeen ISIS.

Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Raysalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga bilowday hawlgalo ka dhan ah dhamaan kooxaha argagaxisada ah.

turkish-xaduuda-syrian-2

Dhinaca kale Khamiistii shalay ayey dowlada Turkiga markii ugu horeysay u fasaxday diyaaradaha Maraykanka inay isticmaali karaan Airporka militariga ee ku yaal Incirlik. Turkiga ayaa in muddo ah ka cago jiidayey inuu gacan siiyo diyaaradaha xulafada Maraykanka ee duqeynta kuwada ISIS