Ma hablahaan Hablihii Ahayn Mise Xoolahaan Xoolihii Ahayn ??!!!!!!!W/Q: Mubaarak Abdirahaan gaani (Abwaan gaani) Qaybt– 1 aad

0
Saturday July 25, 2015 - 09:45:08 in by salman abdi
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma hablahaan Hablihii Ahayn Mise Xoolahaan Xoolihii Ahayn ??!!!!!!!W/Q: Mubaarak Abdirahaan gaani (Abwaan gaani) Qaybt– 1 aad

    Sida soo baxaysa dhawaanahan waxaa soo badanaya soona baxaya in cabasho laga qabo Qiimaha hablaha oo lagu sheegay inuu gaadhay meel sare lana goyn karin ay ka cabanayeen raggii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida soo baxaysa dhawaanahan waxaa soo badanaya soona baxaya in cabasho laga qabo Qiimaha hablaha oo lagu sheegay inuu gaadhay meel sare lana goyn karin ay ka cabanayeen raggii,


Taasina ay keentay in guurkii yaraado ama uu bato Doobkii waa sida ay ku sababeeyeene,.

Taa badalkeeda habliina leeyiin raggii waxna waxaa dilay jaad waxna hawlo kale oo rag Guur u diyaara lama hayo.

Hadaba aan dib u milicsano bal hablaha somaliyeed iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda iyo Sida milgaha leh ee loo guursan jiray, iyo weliba xaf-goynta, xushmada, qadarinta iyo qiimaha ay kulahaayeen cidina kaga hadli jirin.

Sidoo kale waxaynu eegi doonaaa Haddii Alle aqbalo bal haynta (XOOLAHA) dadkaasi hayeen iyo jeebkoodu bal sida uu ahaa marka loo eego bulshada maanta,

Sidoo kale waxaa iyana mudan in aynu derisno bal halka ay ka qudhuntay sarto, mushkiladan taaganina ka soo baxday, iyo samaynta ay inagu yeelan karto mustaqbalka hadaan wax laga badalin,

Waxaa kale oo aan kuur galid ku samayn doonaa bal iyana xagga haweenka oo mudaba iyana lagu godayey farta iyo fikir ahaan waxa ay ka qabaan, si loo helo xal waara, Si ay xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan,
Hablaheena oo aan la qiimo tirin iyo guurka oo aan yaraan.

Hadaba aan guda galo ee Qiimaha hablaha somaliyeed wuxuu ahaa mid ka dhex-muuqda maqaam sare na ka dhex-lahaa bulshada smaliyeed, ilaa inta ay dabka baydho Inta ay ka noqoto inan tima-tidcan ama guudka loo dabo waxay ahayd mid lagu bar-baariyo xishoodka, qiimaynta aadmida, qadarinta iyo habdhaqanka suuban iyo la dhaqanka banii aadanimada, sidaa awgeed waxaa ay ku sabab sanjireen taa inay noqoto inankastaa inan laga dhigto Bartilmaamedsi (taget), sidii loo helilahaa, Dhibkasta iyo dheef wax-kasta oo ay ku qaadatana ay ugu badheedhaan, sidii ay ku helilaahaayeen ,

Waxaa geed dheer iyo geed dheerba loo kori jiray helitaanka hablahaas,

May jirin marka loo eego bulshada hablo la`aani lkn waxaa jiray hablo wanaagsan iyo dad u qaba mige guur, taasina waxay keentay in helitaankooda loo maro masaafo badan

Harraad, gaaajo, daal, iyo Dhulka oo lahaa dhar iyo dhaxan labadaba oo ay adkayd in naflay socoto hadana taa lamada dareemi jirin,


Lasoco Qaybta dambe……………………………………… 


Qalinkii Mubaarak Abdirahmaan gaani(Abwaan gaani)
Email:Drgaani@gmail.com

Face book Page:- Mubaarak Abdirahmaan gaani –Abwaan gaani