Ajandaha Shirka Labada Xisbi Mucaarad U Furmay Iyo Magacyada Shir Guddoonka Oo La Shaaciyay

0
Saturday July 25, 2015 - 16:15:03 in by Burco Office
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ajandaha Shirka Labada Xisbi Mucaarad U Furmay Iyo Magacyada Shir Guddoonka Oo La Shaaciyay

    Shirka labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa sabtida maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Dalxiis ee ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa, kadib markii Khamiistii Maxakamadda Dastuuriga ah xayiraad xukumaddu saartay ka qaaday. Waxaa shirka ciwaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa sabtida maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Dalxiis ee ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa, kadib markii Khamiistii Maxakamadda Dastuuriga ah xayiraad xukumaddu saartay ka qaaday. Waxaa shirka ciwaan looga dhigay "Shirka wada jirka ah ee labada Xisbi Ucid iyo Waddani ee lagu qiimaynayo xaaladda wadanka", waxaana meesha ka maqan doorkii madasha wada tashiga inkasta oo ay ka soo

qayb galeen


.11755807_897411253661083_8263306349491135332_n

Shirka oo abaaro 11:00AM Saacadda Hargeysa ka furmay Hoolka shirarka Hotel Dalxiis, waxaa ka soo qayb galay hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, hogaanka xisbiga Ucid oo uu ugu horeeyo Eng Faysal Cali Waraabe, hogaanka Madasha wadatashiga oo ay hogaaminayaan Guddoomiye Xasan Guure Jaamac, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, iyo waliba marti kale oo tiro badan.
Guddoomiyaha guddida shir guddoominaysa shirka Mucaaradka Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sharaxay Ajandaha shirka waxaanu sheegay in lagu qiimaynayo arrimaha dalka ka taagan "Waxaa Lagaga hadli doonaa Sixir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa Qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hogaan la’aanta, waxaa lagaga hadli gadoonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirku.
11709643_897411290327746_8598164543337069740_n
Cabdirashiid waxa uu sheegay in shirku socon doono galinka dambe ee maanta, bari oo la filayo in la soo gabogabeeyo galinkiisa dambe, haddii kalena lagu dari doono maalin dheeraad ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa furitaanka shirka ka hadlay waxayna sheegeen in kulanka laga filayo talooyin wax ku ool ah oo wax lagaga qabto arrimaha dalka, islamarkaana aanu noqon doonin mid cidna lagu bartilmaameedsanayo.
11032458_897411246994417_3222218257600256805_n
Magacyada Shir gudoonka Shirka
1. Cabdirashiid Xasan Mataan Guddoomiye
2. Maxamed Cismaan Yuusuf(Is-xal).
3. Cali Axmed Cabdiqaadir(Cantar)
4. Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan(Qodax)
5. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde
6. Xildhibaan Ibraahin Rayte.