Daawo: Madaxweyne Obama Oo Maanta Furay Shirka Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Afrika

0
Saturday July 25, 2015 - 17:28:50 in by Burco Office
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne Obama Oo Maanta Furay Shirka Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Afrika

    Madaxweyne Obama ayaa amaanay mustaqbalka dhaqaalaha iyo ganacsig9a Afrika, hadal uu ka jeediyay Nairobi maalintiisii koowaad. "Afrika horay ayay u socotaa … dadka ayaa saboolnimada ka baxaya, mishaarka ayaa kordhaya, dadka xirfada ku sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Obama ayaa amaanay mustaqbalka dhaqaalaha iyo ganacsig9a Afrika, hadal uu ka jeediyay Nairobi maalintiisii koowaad. "Afrika horay ayay u socotaa … dadka ayaa saboolnimada ka baxaya, mishaarka ayaa kordhaya, dadka xirfada ku shaqeeya ee mishaarkooda fiican yahay ayaa kordhay, ayuu u sheegay shirka ganacsiga.
Wuxuu booqan doonaa taalo loo dhisay qaraxii 1998 ee safaarada Maraykanka, intuusan yeelan wadahadal ammaanka ee uu la leeyahay Madaxweynaha Kenya.
Booqashadiisii ugu horaysay isagoo madaxweyne ah dalka Kenya oo aabihii uu ka yimid ayaa bilaabatay Jimcihii..
Booqashadiisii ugu horaysay isagoo madaxweyne ah dalka Kenya oo aabihii uu ka yimid ayaa bilaabatay Jimcihii.
Booqashada ayaa saxaafada Kenya ay ku tilmaameen mid uu imanayo gurigiisa, dad soo dhawaynayo madaxweynaha ayaa jidka saftay markuu ka imaanayay garoonka diyaaradaha.
Maanta, Madaxweynaha ayaa furay shirka Global Entrepreneurship ee lixaad oo ah shir ganacsi.
Afrika waxay u baahan tahay "xarunta adduunka ee kororka dhaqaalaha”, Obama ayaa u sheegay ganacsatada iyo dhaliyarada ganacsiga bilaabay. Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay hubiso in musuqmaasuq uusan dhalan.
Kenya ayaa gaartay horumar wayn tan iyo markii iigu danbaysay ee aan imaaday ayuu yiri Obama.
Markaan imaaday halkan toban sanno ka hor, way ka duwanayd sida ay hadda u egtahay ayuu yiri.
Booqashada Kenya Kadib, Mr Obama ayaa booqan doona Itoobiya, halkaasoo uu noqon doono Madaxweynihii ugu horeeyay oo Maraykan ah ee ka hadla shirka Midowga Afrika.