Al-shabaab oo Sheegtay inay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay kaga Baxeen Xeelad Dagaal

0
Saturday July 25, 2015 - 18:41:57 in by Burco Office
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Sheegtay inay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay kaga Baxeen Xeelad Dagaal

    Afhayeenka Howlgallada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay oo shalay oo Jimco ahayd ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Howlgallada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay oo shalay oo Jimco ahayd ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.


Abuu-Muscab ayaa intaas ku daray in dagaal sagaal casho qaatay kaddib ay xoogaggoodu ka baxeen Diinsoor si ay u Dhabar-jabiyaan Ciidamada kusoo duulay oo uu ku Tilmaamay Cadow kusoo duulay Shareecada Islaamka.

Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in Al-shabaab ay maamulaan deegaannada u dhexeeya Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor oo uu Sheegay inay mar kale dib uga Qabsadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.

"Tani Guul uma ahan Ciidamada nagu soo duulay; Sababtoo ah Dagaal Sagaal Maalmood qaatay kaddib ayaanu xeelad dagaal ugu baxnay haddana annaga ayaa ka talina deegaanada Baydhabo iyo Diinsoor u dhaxaysa,” ayuu yiri Sh. Abuu-Muscab.

Dhanka kale, Saraakiisha Dowladda Somalia ee Qabsaday Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ee ka kala tirsan Gobollada Bay & Gedo ayaa iyaguna sheegay inaysan la kulmin wax iska-caabin ah oo kaga timid dhanka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Inkastoo Al-shabaab ay Sheegtay inay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay uga baxeen xeelad dagaal, ayaa haddana waxaa laga qabsaday laba maalmood oo isku xigta laba degmo oo muhiim u ahayd, kuwaasoo ay muddo sannado ah ka talinayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Howlgalkan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka billaabeen Koonfurta Somalia ayay ugu magic-dareen xoreynta Gobollada Jubbooyinka, iyagoo sheegay inay doonayaan inay kaga saaraan Alshabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Somalia.