War Deg Deg:Fanaanada SAHRA-HALGAN Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Iska Casishay Xisbiga Wadani Iyo Sababaha Ku Dahsoon

0
Saturday July 25, 2015 - 19:51:46 in by Burco Office
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Fanaanada SAHRA-HALGAN Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Iska Casishay Xisbiga Wadani Iyo Sababaha Ku Dahsoon

    Hargeysa(AFKA)Fanaannada caanka ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) oo ka mid ahayd xubnaha miisaanka leh ku jira xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi ayaa shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba iska casishay xubinimadii iyo ka mid ahaanshihii xisbiga WA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Fanaannada caanka ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) oo ka mid ahayd xubnaha miisaanka leh ku jira xisbiga mucaaridka ah ee WADDANi ayaa shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba iska casishay xubinimadii iyo ka mid ahaanshihii xisbiga WADDANI.


Muj. Sahra-Halgan oo goor dhawayd soo saartay War qoraal ah oo ay ku saxeexan tahay oo ay ku socodsiisay guddoomiyaha WADDANi waxa ay sheegtay in maanta laga bilaabo ay ka baxday xisbiga WADDANI sababo iyada u gaar ah awgeed. Qoraalka Marwo Sahra Halgan oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

"Anigoo Ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25/07/2015 halkan ku cadaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay xubinnimadii iyo ka mid ahaansihii xisbiga WADDANI.

 

Allaa Mahad leh WAxaan halkan ku cadaynayaa in is casilaadaydu ay ku qotonto arrimo shaqsi ah oo aniga ii gaar ah isla markaana aan doonayo in aan ka madax banaanaado arrimaha siyaasadda iyo hawlaha xisbiga. 

Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan), Horraantii bishii September ee sanadkii ina dhaafay ee 2014-kii oo ay Marwo Sahra Halgan ku soo biirtay saaxadda Siyaasadda ayay kamid noqotay Xisbiga WADDANi oo ay iyada iyo taageerayaal taabacsanaa ku biireen.