"Horumarka ballaadhan ee laga sameeyey Dhinaca waxbarshada sare ayaa kaalin weyn ka qaadatay la dagaalanka shaqo la'aanta"Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
Sunday July 26, 2015 - 09:47:06 in by salman abdi
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Horumarka ballaadhan ee laga sameeyey Dhinaca waxbarshada sare ayaa kaalin weyn ka qaadatay la dagaalanka shaqo la'aanta"Wasiirka Madaxtooyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka qaybgala Xaflad lagu daahfurayey heerka 2aad masters degree aya ka dareen celiyey meeqaamki iyo maamuski munasibaddaasi waxana qoraal uu so dhigay Boggiisa facebook ku yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka qaybgala Xaflad lagu daahfurayey heerka 2aad masters degree aya ka dareen celiyey meeqaamki iyo maamuski munasibaddaasi waxana qoraal uu so dhigay Boggiisa facebook ku yidhi sidan:

Horumarka ballaadhan ee laga sameeyey Dhinaca waxbarshada sare ayaa kaalin weyn ka qaadatay la dagaalanka shaqo la'aanta, yaraynta tahriibka iyo abuuritaanka qof ku qalabaysan hubka aqoonta.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxaan xalay ka qaybgalay Munaasabad balaadhan oo Jaamacada EELO ku daahfurtay waxbarashada heerka labaad "Master Degree" oo ka qabsoontay xarunta gobolka Awdal ee Borama.

Daahfurka Waxbarashadan heerka labaad ayaa kamid ah horumarka dhinaca waxbarashada ah ee dalkeenu gaadhay isla markaana waxay rajo wanaagsan u abuurtay da' yarta u haraadan barashada cilmiga.

Maaha markii uugu horaysay ee waxbarashadan heerka labaada laga daahfuro Somaliland balse waxaa mudooyinkii u dambeeyey sara u kacayey horumarka balaadhan ee laga sameeyey dhinaca waxbarshada sare taasoo kaalin wayn ka qaadatay la dagaalanka shaqo la'aanta, yaraynta tahriibka iyo abuuritaanka qof ku qalabaysan hubka aqoonta

Intii Munaasbadu socotay ayaan masuuliyiinta Jaamacada kala dardaarmay in ay awooda saaraan dhinaca tayyada ee aanay ka fikirin uun tirada, waxaan sidoo kale ardayda xiisaynaysa barashada heerka labaad ee waxbarashada ku booriyey in ay ku fikiraan in ay aqoontii ay barteen u badalaan ficil balse aanay noqon kuwo shaqo uun ku raadiya cilmigii ay barteen.

Waxaan sidoo kale guud ahaan dhalinyarada Gobolka kala dardaarmay in ay nabada u horseeday horumarka ilaaliyaan sidoo kalena dhinac uuga wada jeestaan cid walba oo nabada iyo horumarka carqaladaysa.

isku soo wada duubo, munaasabadan ayaa ku dhamaatay jawi farxadeed iyo rajo aqooneed oo bilan.

Wa Bilaahi Tawfiiq.