Madaxwaynaha Maraykanka Oo Ka Hadlay Khatarta Ay Bariga Afrika Ku Hayso Alshabaab

0
Sunday July 26, 2015 - 10:36:06 in by salman abdi
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Maraykanka Oo Ka Hadlay Khatarta Ay Bariga Afrika Ku Hayso Alshabaab

    Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ku sugan Dalka Kenya ayaa ka hadlay Khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna cadeeyay in ay gacan ka geesanayaan sidii kooxdaasi loo bur burin lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ku sugan Dalka Kenya ayaa ka hadlay Khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna cadeeyay in ay gacan ka geesanayaan sidii kooxdaasi loo bur burin lahaa.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Barack Obama oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nairobi in Maraykanka iyo Dowlada Kenya ka mideysan yihiin dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah.

Obama wuxuu xusay inay jireen iskaashi balaaran oo ka dhaxeesa Dowladaha Kenya iyo Maraykanka oo ku aadan sida loola macaamulayo Al-Shabaab oo Khatar badan ku heysa Dowlada Kenya .

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab la dhimay oo la yareeyay goobihii iyo deegaannadii ay ka talin jireen ee Somalia isla markaana la wiiqay shabakadaha ka howgalaya bariga Africa, balse wuxuu sheegay inaysan taasi ka dhignayn in dhibaatadii la xaliyay.

Obama wuxuu sheegay inay awoodaan inay hoos u dhigaan awoodda kooxaha argagixisada, laakiin ay wali kooxahan awoodaan inay burbur geysan karaan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barakc Obama ayaa ugu dambeyn wuxuu Dowlada Kenya uga mahadceliyay siday ay u martigaliyeen qaxootiga Somaalida ah ee dagaalladu soo barakicyeen Deegaanadoodii.