Daawo Wiil Soomaali ah oo laga helay Webi kuyaala magaallaadda Saint Cloud ee Mareykanka

0
Sunday July 26, 2015 - 10:41:42 in by salman abdi
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Wiil Soomaali ah oo laga helay Webi kuyaala magaallaadda Saint Cloud ee Mareykanka

    Dhacdo naxdin iyo Murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ka dib markii wiil yar oo Soomaali ah laga soo saarey meydkiisa webi ku yaala magaaladaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo naxdin iyo Murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ka dib markii wiil yar oo Soomaali ah laga soo saarey meydkiisa webi ku yaala magaaladaas.
Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jirey Xamsa Cilmi oo 6 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay in mudo la weysanaa ilaa meydkiisa laga helay webiga lagu magacaabo Mississippi River ee ku yaala magaalada St. Cloud ee dalkaas Mareykanka, Wiilkaan yar oo ahaa mid xanuunsan oo qabay cudurka autism islamarkaana uu hadalku dhib ku ahaa ayaa waxaa la baadi goobaayey in mudo ah iyadoona markii dambe ay booliisku oo adeegsanaayo doonyo iyo qalab kale oo casri ah ay u suuro gashay inay heleen meydka wiilkaas yar ee Soomaaliga ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo meydka wiilkaas yar ee Soomaaliga ah laga soo saarey wabigii uu ku dhacay ayaa waxaa arintaas naxdin iyo wel wel ka muujiyey qoyska iyo qaraabada wiilkaas yar oo ay ku noqtey lama filaan waxaa ku dhacay wiilkooda, ayaa madaxa booliiska ee magaaladaas ninka lagu magacaabo Blair Anderson waxaa uu sheegay inay si aad iyo aad ah ay uga naxeen markii ay ogaadeen inuu wiilkaas yar uu geeriyooday asagoona tacsi u direy qoyskii uu ka geeriyooday wiilkaas.