Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Sharcinimada Muddo kordhinta ay guurtidu samaysay fariin culusna ku ganay Guddomiye Cirro

0
Sunday July 26, 2015 - 15:26:37 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Sharcinimada Muddo kordhinta ay guurtidu samaysay fariin culusna ku ganay Guddomiye Cirro

    "Guddoomiye Cirro Wuxuu Leeyahay Kursiga Aan Ku Fadhiyana Waa Xalaal, Ka Aad Ku Fadhidaana Waa Xaaraan" Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiye Cirro Wuxuu Leeyahay Kursiga Aan Ku Fadhiyana Waa Xalaal, Ka Aad Ku Fadhidaana Waa Xaaraan" Madaxweyne Siilaanyo

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo saaka safar ugu baxay qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa si adag uga hadlay hadalada Mucaaridka, eedaha doorashooyinka iyo ilaalilnta isku duubnida iyo Amniha

Madaxwaynaha oo intii aanu bixin khudab dhinacyo badan taabanaysa jeediyey ayaa sheegay inaanu lahayn masuuliyadda dib udhaca doorashooyinka, waxaana uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay eedaha Guddoomiye Cirro u jeediyo golaha guurtida isagoo ku fadhiya muddo kordhintii ay u sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu Madaxwaynuhu hadlkiisa ku bilaabay:

 

11800280_807659496014572_4434899254819982433_n

 

Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshada Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.

Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arimaha Doorashooyinka

Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimad aguurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo guurtidun oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqya daka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharcidal ku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee mfaadaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixinbalse, weli lama sharciyeyn waxaan aaanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirino.

Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad lasoo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu anagayna saran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu kaqaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqib keeda.

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.

Contact@afkashacabka.com