XILDHIBAANO KATIRSAN GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY OO MARKII UGU HOREYSAY EEDAYN KULUL DUSHA UGA TUURY FALKII LAGULA KACEY SARAAKIIL KATIRSAN DOWLADA ITOOBIYA, IYO WASIRKA ARAMAHA GUDAHA SOMALILAND

0
Wednesday April 16, 2014 - 07:23:20 in by salman abdi
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAANO KATIRSAN GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA GABILEY OO MARKII UGU HOREYSAY EEDAYN KULUL DUSHA UGA TUURY FALKII LAGULA KACEY SARAAKIIL KATIRSAN DOWLADA ITOOBIYA, IYO WASIRKA ARAMAHA GUDAHA SOMALILAND

    Xubnaha Xildhibaanadan cambaareeyay falkaasi oo ay kamid ahaayeen, Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor, Xildhibaan Iid Xasan Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa, dhamaantood ugu baaqey xukuumada in talaabo laga qaado cidii ka dambeysay fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Xildhibaanadan cambaareeyay falkaasi oo ay kamid ahaayeen, Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor, Xildhibaan Iid Xasan Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa, dhamaantood ugu baaqey xukuumada in talaabo laga qaado cidii ka dambeysay falkaasi

Xubno katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa markii

horeysay cambaareeyay falkii ka dhacey kaantaroolka u dhexeeya Kalabeydh iyo Gabiley saraakiil katirsan Safaarada Somaliland iyo Safaarada Soomaaliya ee dalka Itoobiya ku leedahay labada dal saraakiishaas oo si adag uga dacwoodey habdhaqanka lagula kacey iyo (Ducoment), sir ah oo faragalin lagu sameeyay talaabadan oo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ku tilmaameen mid qalad ah oo aanay raali ka aheyn iyaga iyo Bulshada Reer Gabiley ee ay matelaanba.


 
Xubnaha Xildhibaanadan cambaareeyay falkaasi oo ay kamid ahaayeen, Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor, Xildhibaan Iid Xasan Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa, dhamaantood ugu baaqey xukuumada in talaabo laga qaado cidii ka dambeysay falkaasi islamarkaana, aan loo baahneyn in carqaladeeyo xidhiidhka u dhexeeya


labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo mudooyinkan dambe aad looga hadalhayay dhacdadan guud ahaanba dalka Somaliland gaar ahaana Gobolka Gabiley, oo ay hada u xidhan yihiin Taliye Kuxigeenkii Qeybta Booliska Gabiley Baashe-dheere, Isuduwaha Wasaarada Waxbarshada Gobolka iyo xubno kale oo Askar Ciidanka Booliska ahi kamid yihiin, waxaana la sheegay in raali galinta dhacadadan uu Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici xiligan ugu maqan yahey dalka Itoobiya.

 
Dhinaca kale Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa aaminsan in maalmihii u dambeeyay la majara habaabinayay dhacdadan taas oo nidaam borobogaando ah suuqa loo galiyay in dhacdadan uu ku lug leeyahey Badhasaabka Gobolka Gabiley, oo sida ay sheegeen isagu bari ka ahaa habdhaqankii lagula kacey Saraakiisha Itoobiya, iyadoo eedeeda laga leexinayo cid kasta oo falkaasi kujirtey, waxaana aad loo hadalhayay in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu kulan gaar ah la qaadan doono Maalinta Arbacada barito ah Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, iyo Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Boorame, oo tabashooyin gaar ah ugudbiyay mudo hore haseyeeshee, aan wax jawaab ah ka helin, iyadoo lagu wado in Wasiirku Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ka furi doono tababar loo qabanayo Cuqaasha iyo Salaadiinta Somaliland ee Gobolada dalka.
 


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com