Sport:Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Todobaadka Kowaad Ee Horyaalka Ingiriiska Oo La Shaaciyay

0
Tuesday August 04, 2015 - 12:56:01 in by salman abdi
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sport:Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Todobaadka Kowaad Ee Horyaalka Ingiriiska Oo La Shaaciyay

    Waxaa August 8 deeda si rasmi ah u bilaabi doona kulamada todobaadka kowaad ee horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedka cusub ee 2015/16.Waxaana la shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada maalinta kowaad ee horyaalka Premier Leaque-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa August 8 deeda si rasmi ah u bilaabi doona kulamada todobaadka kowaad ee horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedka cusub ee 2015/16.Waxaana la shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada maalinta kowaad ee horyaalka Premier Leaque-ga.

Sabtida inagu soo aadan ee ay August 8 deeda, ayaa la ciyaari doonaa lix kulan, waxaana kubbada ugu horaysa xili ciyaareedka cusub isku taaban doona kooxaha Manchester United iyo Tottenham kulankaas oo ka dhici doona Old Trafford. Waxaana kulankan dhex dhexaadin doona garsooraha Jonathan Moss, iyada oo ay caawin doonaan J.Brooks iyo E.Smart waxaana sarkaalka afraad noqon doona A. Marriner.Lloris

Kulanka dhex mari doona kooxda horyaalka difaacanaysa ee Chelsea iyo Swansea City oo Stamford Bridge isla sabtida ka dhici doona ayuu dhex dhexaadin doonaa garsooraha Michael Oliver, waxaana caawiyihiisa kowaad iyo labaad noqon doona M. Mullarkey iyo H.Lennard iyada oo uu sarkaalka afaraad noqon doon P.Tierney.Chelsea-v-Sunderland-Premier-League

Halkan kaga boqo dhamaan kulamada sabtida ee furitaanka horyaalka Ingiriiska iyo garsoorayaasha dhex dhexaadin doona.satWaxa kale oo axada la ciyaari doonaa saddex kulan iyada oo kooxaha Arsenal iyo Liverpool ciyaari doonaan. Arsenal ayaa xili ciyaareedka ku bilaaban doonta kulanka London Derby oo dhex mari doona kooxda West Ham United, waxaana kulan dhex dhexaadin doona garsooraha martin Atkinson iyada oo ay caawin doonaan S.Child iyo S.Burt waxaana sarkaalka afraad noqon doona M.Oliver.Arsenal 1

Laakiin waxaa xiiso gaar ah leh in kooxda Liverpool ay kulankeeda ugu horeeya la ciyaarayso kooxdii ay kulankii ugu danbeeyay la ciyaartay dhamaadkii xili ciyaareedkii hore taas oo 6:1 ku xaaqday, laakiin ku darsoo waxaa dhex dhexaadinaya isla garsoorihii kulankii hore hayay oo ahaa Anthony Taylor, waxaana caawin doonaG.Beswick iyo D Cann halka uu J.Moss noqon doono sarkaalka afraad.Anthony Taylor ayaa dhex dhexdhexaadinayay kulankii Community shielka ee ay xalay Arsenal guusha kaga gaadhay Chelsea.1425217484036_lc_galleryImage_Mar_1st_2015_Liverpool_UK

Halkan kaga bogo kulamada axada la ciyaari doono, garsooraha yaasha dhex dhexaadin doona iyo waqtiyada la ciyaari doono oo dhan:-

sa

Kulanka Isniinta:-

Kulanka todobaadka kowaad ee horyaalka Ingiriiska ugu danbeeya ayay kooxda West Brom soo dhawayn doonta kooxda Manchester City, waxaana kulankan dhex dhexaadin doona garsooraha Mike Dean yada oo ay caawin doonaan S. Long iyo M.Pery waxaana sarkaalka afaraad noqon doona M.Clattengburg.Manchester-City-v-QPR


Contact@afkashacabka.com