Hordhac: Chelsea v Swansea – Blues Oo Bilaabeysa Difaacashadeeda Horyaalka Iyagoo Rajeynaya Inay Ka Sii Wadaan Halkii Ay Uga Tageen Xilli Ciyaareedkii Hore

0
Saturday August 08, 2015 - 08:20:15 in by Burco Office
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Swansea – Blues Oo Bilaabeysa Difaacashadeeda Horyaalka Iyagoo Rajeynaya Inay Ka Sii Wadaan Halkii Ay Uga Tageen Xilli Ciyaareedkii Hore

    Kulanka: Chelsea v Swansea Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Michael Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Chelsea v Swansea Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Michael Oliver


Maanta waxaa Chelsea u bilaabanaya difaacashada koobka horyaalka Premier League iyagoo soo dhaweynaya kooxda Swansea City waxaana ay rajo ka qabaan inay halkeeda ka sii wadaan qaab ciyaareedkii ay ku qabsadeen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Jose Mourinho ayaa hogaamineysa kooxaha Ingariiska laga bilaabo 30kii August waxaana ay hanteen horyaalkoodii afaraad ee Premier League intii magacaas loo bixiyay horyaalka, waxaana ay Blues dooneysaa maanta inay halkeeda ka sii wadaan halkii ay howsha uga hareen xilli ciyaareedkii hore.

MAXAA KA CUSUB?

Diego Costa ayaa weli shaki uu ku jiraa inuu u ciyaari karo Chelsea ka dib markii uu dhaawac muruqa bowdada ah uu ku seegay koobkii Community Shield ee ay isbuucii hore guuldarada ka soo gaartay Arsenal, waxaana uu tababare Jose Mourinho uu sheegay inuusan hubin waqtiga uu taam buuxda uu noqon doono xiddiga xulka Spain.

Loic Remy iyo Radamel Falcao ayaa ciyaaray labadii gelin ee ciyaartaas, waxaana ay u tartami doonaan inay ku soo bilowdaan haddii uusan Costa taam u aheyn kulanka maanta.

Jordi Amat ayaa ah xiddiga kaliya ee Swansea shaki uu kaga jiro ka hor kulanka Stamford Bridge isagoo dhibaato ka qaba cagta.

Saxiixa xagaaga Andrea Ayew ayay u badan tahay inuu ku soo bilowday laakiin xiddigaha kale ee la yimid xagaagan Kristoffer Nordfeldt, Franck Tabanou iyo Eder ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan ciyaartoyda kursiga keydka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea possible:Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Matic, Fabregas; Hazard, Oscar, Willlian; Remy

Swansea:Fabianski; Naughton, Fernandez, Williams, Taylor; Cork, Ki; Routledge, Sigurdsson, Dyer; Gomis

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaan laga badinin 10kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay ka horyimaadeen Swansea iyagoo badiyay sideed ka mid ah.
  • Swansea ayaa laga badiyay dhamaan afartii kulan ee Premier League ee ay soo booqdeen garoonka Stamford Bridge.
  • Chelsea ayaa heysata rikoorka ugu fiican ee furitaanka xilli ciyaareedka Premier League iyagoo badiyay 15 ka mid ah 23kii kulan ee ay ku furteen xilli ciyaareedka Premier League. Wax guuldarro ah ma aysan soo gaarin maalinta ugu horeysa xilli ciyaareedka tan iyo markii ay guuldarro ka soo gaartay Coventry City xilli ciyaareedkii 1998-99.