Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex oo markii ugu horeysay ka hadlay qabsashadii Ciidanka Qaranka ee Degmada Taleex

0
Wednesday April 16, 2014 - 11:50:37 in by Super Admin
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex oo markii ugu horeysay ka hadlay qabsashadii Ciidanka Qaranka ee Degmada Taleex

    Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) ayaa soo dhaweeyay tagidda ay tageen ciidamada qaranka Somaliland degnada Taleex ee ka tirsan gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) ayaa soo dhaweeyay tagidda ay tageen ciidamada qaranka Somaliland degnada Taleex ee ka tirsan gobolka Sool.

Gudoomiyaha gobolka maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) ayaa soo dhaweeyay  tagida ay tageen ciidamada qaranka Somaliland degnada Taleex ee ka tirsan gobolka Sool.

Gudoomiyaha ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayay warbaahinta isagoo talaabadan ay ciidanka qaranka Somaliland ku hambalyeeyay sheegayna inatay tahay wax lagu diirsado.

"Anigoo ah badhasaabkii gobolka Marood-jeex waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidanka qaranka Somaliland ilaahay waxaan uga baryayaa in ay guulaystaan. Ciidamadu maanta (shalay) waxay gaadheen degmada Taleex oo gobolka Sool ka tirsan, taas oo niman qawlaysato ahi ay shacabka reer Taleex dhibaato ku hayeen kuwaas oo marba magac sheegta,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo mar ahaan jiray Guddoomiyaha Gobilka Sool.

 

Gudoomiye Jeeni-yare isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daraym "Markaa dhambaalkaygani waa hambalyo ciidanka qaranka aan u soo jeedinayo. Shacabka reer talleex iyagana waxaan uga mahad celinayaa sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen ciidanka qaranka oo shuftadii dul fadhiday ee dhibaatada ku haysay ay sababtay dadkii reer Taleex ee wada dhashay ay islaayaan ama coloobaan.”

"Markii ay ciidamada qaranku gaadheen degmada Taleex shacabka, waxgaradka culimada, cuqaasha, dhalinyarada iyo haweenkuba sida fiican ee ay u garteen in ay ciidankooda u soo dhaweeyaan. Haddana waxaan kula dar-daarmayaa in ay ciidankooda la jaan qaadaan oo horumarka ka socda gobolada dalka,”ayuu yidhi Mr. Jeeniyare.

Badhasaabka Maroodi-jeex oo si gaar ah ula hadlayay dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Talleex iyo Boocane, waxa uu yidhi "Degmooyinka Somaliland sida Boocane iyo Taleex oo ahaa dhulkii nimankaa qawlaysatada ahaa fadhiday waxaan leeyahay reer Taleexoow ka faa’iidaysta jaaniska oo la jaan qaad dawladnimadiina. Aad baan ugu mahad celinayaa ciidanka qaranka iyo taliyahoodaba arrintaana waxaan mahad gaar ah u celinayaa madaxweyneheenna oo innagu hogaaminaaya.”

 

"Ciidamada qaranku iyagoo tudhaaya sida ay u gaadheen deegaamadii Somliland waxa inoo hadhay-na waxaan rajaynayaa in si nabad gelyo ah aynu ku gaadhi doono.” Ayuu yidhi gudoomiyuhu mar uu ka hadlayay xeeladda saraysay ee ciidanka qaranku kula wareegay jiidaas iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin. "Ciidanka qaranka Somaliland waxaan ku hambalyaynayaa waajibaadka qaran ee ay guteen, dadweynaha reer Taleex-na aad baan ugu bogaadinayaa sida fiican ee ay ciidankooda u soo dhaweeyeen. Waxaan u soo jeedinayaa in wixii hadda ka dambeeya ay ka shaqeeyaan horumarkooda nabad galyo si ay ula jaan qaadaan bulsho waynta Somaliland,”ayuu yidhi Badhasaabka Maroodi-jeex.

 





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com