Real Madrid Ma Ka Aarsan Doonta Barcelona Oo Guuldaro Saddexaad Oo Xidhiidha Ma Badi Doonta, Mise Iyada Ayaa Koobka Laga Qaadi Doona?

0
Wednesday April 16, 2014 - 12:32:22 in by Super Admin
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Ma Ka Aarsan Doonta Barcelona Oo Guuldaro Saddexaad Oo Xidhiidha Ma Badi Doonta, Mise Iyada Ayaa Koobka Laga Qaadi Doona?

    CiyaartaClasico-da, ee ay wada ciyaaraan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, oo ah Ciyaarta aduunka ugu daawashada badan, ugu xiisaha badan uguna xaamasada badan, ayaa caawa waxa ay dhexmari doonta kooxahan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CiyaartaClasico-da, ee ay wada ciyaaraan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, oo ah Ciyaarta aduunka ugu daawashada badan, ugu xiisaha badan uguna xaamasada badan, ayaa caawa waxa ay dhexmari doonta kooxahan.


Ciyaartan Clasico-da ah ee dhexmari doonta Real Madrid iyo Barcelona, oo ah Finalka koobkaCopa del Rey, ayaa Ciyaartan si gaar ah isha loogu haya.

Haddaba haddii aynu isbarbar dhig ku sameeyno labadan kooxood iyo qaab ciyareeedkooda ayaa haddii aynu ku horeeyno kooxda Real Madrid, ayaa kooxda Real Madrid sanadkii ugu dambeeyey ee ay koobkan qaado waxa uu ahaa sanadkii 2011, iyada oo sanadkaasna ay ka qaaday Barcelona, taas oo C.Ronaldo uu goolkii guusha ee ay koobka ku qaadeen uu dhaliyey, iyada oo Sanadkii ugu dambeeyeyna ay Final u soo baxeen, taas oo kooxda Atletico Madrid ka qaaday, markaas haddii aynu eegno qaab ciyeedka kooxda Real Madrid, ayaa kooxdani waxa ay u soo baxeen Semi-finalka koobka Champions League, halka ay kaalinta labaadna ay kaga jiraan Horyaalka Spain, markaas iyada oo kooxda Real Madrid labadii kulan ee ugu dambeeyey ee Horyaalka Spain kala kulantay kooxda Barcelona, ayaa caawa eegi doona waxa ay soo bandhigto, iyada oo uu ka maqan yahay Ciyaaryahankooda C.Ronaldo oo hadda ah xidig aduunka.

Dhinaca kale haddii aynu eegno kooxda Barcelona ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyey guuldaro la baday, taas oo koobkii Champions League laga reebay, kana reebtay kooxda Atletico Madrid, halka Kooxda Granada oo ka mid ah kooxaha ugu awooda yar Spain ay ka badisay Horyaalka, taas oo booskii labaad ee ay ku jirtay hoos uga dhacday isla markaana kooxda Real Madrid oo booska Saddexaad ku jirtay cidhidhsatay,marka kooxda Barcelona caawa ma soo ceshan doonta sumcadeeda, mise guuldaradii saddexaad ee isku xigta ayaa la badalaya?. Waa Su’aal ay caawa labadan kooxood ay ka jawaabi doonan.


afkashacabka/ Sports