Man United Oo Guul Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub Ee Horyaalka Ingiriiska & Walker Oo Kama' Ku Furay Goolasha EPL-ka

0
Sunday August 09, 2015 - 09:16:18 in by Burco Office
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Guul Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub Ee Horyaalka Ingiriiska & Walker Oo Kama' Ku Furay Goolasha EPL-ka

    Manchester United ayaa guul dirqi ah ku bilowday xili ciyaareedka cusub horyaalka Ingiriiska kadib marki ay 1-0 ku dubteen kooxda Tottenham Hotspur kulan ka dhacay Old Trafford.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa guul dirqi ah ku bilowday xili ciyaareedka cusub horyaalka Ingiriiska kadib marki ay 1-0 ku dubteen kooxda Tottenham Hotspur kulan ka dhacay Old Trafford.


Kayle Walker ayaa dhaliyay goolka qura ee United guusha siiyay, isagoo ka qasay Wayne Rooney kubad uu doonayay inuu dhaliyo qeybtii hore ciyaarta.

Manchester United ayaa ku bilowday si qurux badan oo xakameyn leh ciyaarta, wuxuuna Louis Van Gaal tijaabiyay qaab ciyaareedka 4-3-3mudo kadib wuxuuna weerarka uso xushay Mata, Youngiyo Rooney.

Christian Eriksen ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolka furitaanka horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedka 2015-2016 kadib markii uu kubad joog sare ah ka helay Harry Keane, si qurux badan ayuu u sameeyay isagoo ka dulqaaday goolhaye Romero balse uma noqon gool daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta.

Harry Kane ayaa sameeyay dadaal uu ku doonayay inuu hogaanka ugu dhiibo Spurs markii uu kubad kasoo xoogay Shaw wuxuuna sidoo kale lasoo garab maray Blind balse Smalling ayaa ka diiday daqiiqadii 10-aad.

Kayle Walker ayaa u dhawaaday inuu ka naxsado Manchester United daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta markii uu si qurux badan usoo gudbay Ashley Young, balse goolhaye Romero ayaa ka diiday kubadaas.

Manchester United ayaa noqotay kooxdii dhalisay goolka ugu horeeyay xili ciyaareedkaan horyaalka Ingiriiska inkastoo uu lugtiisa isaga dhaliyay daafaca Spurs Kayle Walker United ayaana hogaanka ku qabatay 1-0, daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta.

Memphis Depayayaa kubad qurux badan gaarsiiyay Wayne Rooney, balse kabtanka United wuxuu isku dayay inuu si tartiib ah goolka u dhaliyo, Walker ayaase kasoo hormaray oo kubada lugtiisa bidix ku tuuray kuna riday shabaqa kooxdiisa.

Waa Markii ugu horeysay taariikhda Horyaalka Premier League-ga oo goolka furitaanka uu noqdo gool kama ah (Own Goal).

Juan Manuel Mata ayaa sameeyay isku day uu gool labaad ugu doonayay inuu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa Man United daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta balse Daafaca Spurs ayaa ka beeniyay isku day laba ahaa oo uu sameeyay.

Dhamaadka qeybta hore ciyaartaAlderweireld ayaa sameeyay isku day uu kooxdiisa barbardhac ugu raadinayo, balse goolhaye Sergio Romero ayaa ka diiday.

Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Manchester United waxeyna goolkaas kaga mahad celinayaan Kayle Walker oo ka tirsan Spurs.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa bilaabatay iyadoo Spurs ay ku bilowday isku dayo ay ku dooneyso iney goolka lagu leeyahay isaga so gudo.

Kubad weerar rogaal celis ah ayaa lagu helay Man United iyadoo Kane, Eriksen, Dembele iyo Chadli ay ka qeyb qaateen, balse daafaca United ayaa iska soo saaray daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta.

Bastian Schweinsteiger ayaa soo galay ciyaarta daqiiqadii 60-aad waxaana lagu badalay Micheal Carrick, isagoo noqday xidgii ugu horeeyay Jarmal ah ee kasoo muuqda kooxda waaweyn ee United kulan ka tirsan EPL-ka.

Ashley Young ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Man United daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta, balse isku daygii uu sameeyay goolhaye Micheal Vorm ayaa ka beeniyay oo qabsaday kubadii.

Christian Eriksen ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolka barbardhaca Spurs, markii uu kubad ka helay xerada ganaaxa balse kubadii uu goolka aadiyay Sergio Romero ayaa badbaadiyay daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta.

Sergio Romero ayaa noqday badbaadiyaha Man United kadib markii uu badbaadiyay laba fursad oo halis aheyd waqtiyadii ciyaarta ugu dambeeyay.

Chrisitan Eriksen ayaa kubad halis aheyd ku tuuray goolka Manchester United isagoo aan ka fogeen xerada ganaaxa, balse Romero ayaa si awood leh u saaray.

Tottenham Hotspur ayaa sameysay isku dayo aan caadi aheen iyo weeraro aad u daran, balse daafaca United ayaa u babac dhigay kaas oo difaacday goolka uu hadiyada u siiyay Kayle Walker.

Man United ayaana ugu dambeyntii guul 1-0 ah gaartay waxeyna ku furtay xili ciyaareedka cusub guul, Kayle Walker ayeyna kaga mahad celinayaan goolkaas.