Hordhac: Stoke City v Liverpool – Reds Oo Maanka Ku Heysa Inay Aarsato Guuldaradii 6-1 Ee Britannia Stadium Ku Soo Gaartay Dhamaadkii Xilli Ciyaareedkii Hore.

0
Sunday August 09, 2015 - 09:20:03 in by Burco Office
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Stoke City v Liverpool – Reds Oo Maanka Ku Heysa Inay Aarsato Guuldaradii 6-1 Ee Britannia Stadium Ku Soo Gaartay Dhamaadkii Xilli Ciyaareedkii Hore.

    Kulanka: Stoke City v Liverpool Garoonka: Britannia Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Anthony Taylor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Stoke City v Liverpool Garoonka: Britannia Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Anthony Taylor


Liverpool ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabaneysa iyagoo rajeynaya in kulankooda ugu horeeya ee xilli ciyaareedka inuusan ku dhamaanin ceeb la mid ah booqashadoodii ugu danbeysay ee Stoke City.

Koxoda Reds ayaa guuldarro 6-1 ay ku soo gaartay Britannia Stadium kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin Liverpool ayaa la filayaa inay shax ka duwan tii markaas ay ku soo shirtagto kulanka maanta.

MAXAA KA CUSUB?

Stoke waxaa ka maqan kabtan Ryan Shawcross kaasoo ugu yaraan labo bilood garoomada ka maqnaanaya iyadoo daafaca dhexe qaliin looga sameeyay dhabarka.

Bojan ayaa isna ka soo laaban kara dhaawaca jilibka ee uu la maqnaa laakiin Marko Arnautovic iyo Marc Wilson ayaa shaki ku jiraa taam ahaanshahooda.

Seddexda xiddig ee Liverpool Daniel Sturridge, Joe Allen iyo Jon Flanagan ayaa dhaawac ku maqan

Saxiixyada cusub Christian Benteke, Nathaniel Clyne, Roberto Firmino iyo Joe Gomez ayaa la filayaa inay Reds u saftaan kulankoodii ugu horeysay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Stoke City:Butland, Johnson, Wilson, Wollscheid, Pieters, Cameron, Whelan, Walters, Adam, Diouf, Joselu

Liverpool:Mignolet, Clyne, Sakho, Skrtel, Moreno;Henderson, Milner; Coutinho, Firmino, Ibe; Benteke

MA OGTAHAY?

  • Guushii Stoke ee 6-1 ee ay ka gaartay Liverpool maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore ayaa ah guushoodii ugu weyneyd abid ee Premier League.
  • Sidoo kale waxa ay aheyd guuldaradii ugu cusleyd ee Reds ka soo gaarta Premier League iyo guuldaradii ugu xumeyd ee horyaalka heerka koowaad ka soo gaarta muddo 52 sannadood ah.
  • Seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Britannia Stadium waxaa ka soo baxday wadar ahaan 19 gool, 12 ka mid ah waxaa dhalisay kooxda martida loo ahaa.