Xildhiban Cali Khaliif Gallaydh oo ka hadlay Cidanka Qaranka ee Galay Taleex Addunkana Markhaati Geliyey Xilli la shegay in wada hadal u bilabmay isaga iyo somaliland

0
Wednesday April 16, 2014 - 17:16:04 in by Super Admin
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Cali Khaliif Gallaydh oo ka hadlay Cidanka Qaranka ee Galay Taleex Addunkana Markhaati Geliyey Xilli la shegay in wada hadal u bilabmay isaga iyo somaliland

    Pro: Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka Xukumadda muqdishoiyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Makhraati ka ahaadaan Qabsashada Somaliland ee Taleex oo uu sheegayo inay ku xad gudubtay dadka degan degaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pro: Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka Xukumadda muqdishoiyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Makhraati ka ahaadaan Qabsashada Somaliland ee Taleex oo uu sheegayo inay ku xad gudubtay dadka degan degaankaasi.

Xildhibaan Cali Khaliif oo ka soo jeeda Degaanada Taleex ayaa ka mid ahaa dadka waday Kooxda Khaatumo ee xaruntoodu ahaan jirtay Taleex.

" Dagaalka Maamul Goboleedkaasi uu qaadayaa ee uu ku soo duulayaa, Dhulkaa SOOL, SANAAN iyo CAYN ama Khaatumo, waa mid ay tahay inay mar walba sheegaan oo hoosta ka xariiqaan inay Dhulka iyagu leeyihiin. Dadka ku noolna haddii aanay sidaasi Ogolaan inay ka guuraan ama ta kale oo ah in la xasuuqo oo la dhameeyo. Taas weeye ta Maamulkaasi uu wadaa” ayuu yiri Cali Khaliif oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay.

Dhinaca kale waxa uu Cali Khaliif Galayr Baaq u diray Xukumadda Somalia iyo Beesha Caalamka. " Xukumadda Muqdisho ka dhisan, Maamul Goboleedyada kale ee waddankan ka dhisan, Dalalka aan dariska nahay, Aduun waynaha iyo inta nabada jecel, waxaanu rabnaa inaan tusno oo si qayaxan ugu sheegno oo anagoon waxba buun buuninayn nala arkaan Maamulkaasi waxa uu wado.” Ayuu yiri Xildhibaan Cali Khaliif.

Ciidanka Somaliland ayaa shalay qabsaday Degmada Taleex oo in mudo ah xarun u ahayd Maleeshiyada Khaatumo ee ka soo hor jeeda Somaliland. Ciidanka ayaa sheegay in halkaasi aan wax dagaal ah ka dhicin islamarkaana ay degan tahay. Puntland iyo Khaatumo ayaa Cambaareeyay Tagi taanka Ciidanka Somaliland ee Taleex.

Hadalka Cali Khaliif Galayr ayaa ku soo beegmay iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen in wada hadal u bilawday Cali Khaliif iyo Xukumadda Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in Xubno madax dhaqameed ahi kula kulmeen Cali Khaliif Jigjiga kuwaas oo Xukumaddu u dirtay.



Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com