Wasiirka Cadaalada Somaliland oo Daboolka ka qaaday In Markhaatiyaal Loo Hayo Cidda Dishay 12 Qof Oo Xabaal-Wadareed Laga Hela

0
Tuesday February 11, 2014 - 08:59:50 in by London Office
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaalada Somaliland oo Daboolka ka qaaday In Markhaatiyaal Loo Hayo Cidda Dishay 12 Qof Oo Xabaal-Wadareed Laga Hela

    Wasiirka Cadaalada Somaliland oo Daboolka ka qaaday In Markhaatiyaal Loo Hayo Cidda Dishay 12 Qof Oo Xabaal-Wadareed Laga Helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo Daboolka ka qaaday In Markhaatiyaal Loo Hayo Cidda Dishay 12 Qof Oo Xabaal-Wadareed Laga Helay


Afkashacabka: Khuburo ka socota hay’adda IBAF ee baadhaya xasuuqii ka dhacay Somaliland sanaddadii siddeetamaadkii, ayaa shalay bilaabay wejiga labaad ee baadhitaan ay ku hayaan xabaallo-wadareedyada laha helay Hargeysa, waxayna baadhitaankooda ku bilaabeen xabaallo-wadareedyo ku yaala degmada Maxamuud Haybe.

Furitaankii wejiga labaad ee baadhitaanka xasuuqii dawladdii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre u geysatay shacabka reer Somaliland, ayaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Guddoomiyaha Gudida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like iyo dhakhaatiir la socday khuburada baadhaya xabaal-wadareedyada.

 

 

Guddoomiyaha Gudida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey geeddi socodka baadhitaanada joogtada ah ee lagu hayo xabaal-wadareedyada ku yaalla Somaliland, gaar ahaan Hargeysa.

 

 

Khadar Axmed Like, waxa uu sheegay inay guddi ahaan hayaan caddaymo ay ka heleen baadhitaanadoodii ay wadeen muddooyinkii la soo dhaafay, isagoo intaa ku daray in xasuuqii dhacay uu ahaa mid lagu waxyeeleeyey shacabka reer Somaliland oo si gaar ah loo beegsanayey.

 

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Md. Xuseen Axmed Caydiid, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey hay’adda ay ka socdaan khuburada baadhitaanka wada, waxaanu yidhi "Kooxdan waxa wata rag ka soo shaqeeyay Ruwanda iyo Brundi, waxayna masuuliyiinta wadataa ay ka tirsan yihiin dalka Beiru, hay’adda ay ka tirsan yihiina waxa la yidhaahdaa IPAVE. Waa hay’ad u xilsaaran qoditaanka iyo xaqiijinta sababaha dadku u dhinteen, caalamkuna war-bixintooda uu dhexdhexaadnimo ahaan u aqoonsado, Markaa innaga iyo dadka dhibta loo tirinayo waa inoo dhexdhexaad, ma doonayno in cidna la saaro wax aanay geyin, laakiin waxaynu ka doonaynaa dadkaasi siday u dhinteen iyo duruufta ay wakhtigaasi ay ku jireen ee ay ku dhinteen, oo ay inay noqdaan dad kaneeco cuntay oo si caadi ah loo aasay iyo inay noqdaan dad si aan u nax lahayn loo aasay”

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay hayaan Markhaatiyaal u hayaan sida ay u dhinteen iyo cidda dishay 12 qof oo xabaal kaliya laga wada helay "Waxaanu haynaa 12 qof lafahoodii, cidda markaa lahayd Maamulka iyo cidda laysay waxay ahayd, intaaba markhaatiyaal ayaa jira oo la hayaa”ayuu yidhi.