Guddoomiyaha Xisbiga Muxafadka Kulmiye Oo Amaanay Tallaabada Ciidanka Qaranku Ku Qabsaday Taleex

0
Wednesday April 16, 2014 - 20:22:04 in by salman abdi
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga Muxafadka Kulmiye Oo Amaanay Tallaabada Ciidanka Qaranku Ku Qabsaday Taleex

    Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada qaranka Somaliland, kula wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada qaranka Somaliland, kula wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Kulmiye oo maanta ka hadlayey Munaasibad xisbigu ku soo dhaweeyay taageerayaal ka soo baxay xisbiga UCID, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada ciidamada qaranku ku qabsadeen Taleex.

Guddoomiye Muuse oo ka hadlaya arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Ciidamada Somaliland waanu ku hambalyeynaynaa inay Maamul fidinta dalka ka qayb-galaan oo ay degmooyinkii xadka ugu dhawaa hadda gaadheen, waxaana laga doonayaa inay xal ka gaadhaan, waxaanu sidaasi u leenahay waxa weeye Kulmiye iyo xukuumad ahaan siyaasadda ay ka leeyihiin Geeska Afrika, waa nabad ku wada noolaansho, deriskayaga gardaro ulama tagayno”



Muuse, waxa kale oo uu sheegay "Haddii lanagu gardaroodana waxa nagu waajib ah inaanu u dulqaadano si aanu nabadda Geeska Afrika iyo taayadaba u ilaalino, waayo xukuumadda Kulmiye ee Madaxwayne Siilaanyo hoggaaminayo waxaanu waayo-arag u nahay dagaalku wuxuu yahay…” ayuu yidhi.

 

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com