Guddomiye Cirro oo markii u horeysya Qiray Guulaha Xukumadda iyo korodhka Xad- dhaafka ah ee Miisaniyadda Dalka

0
Thursday August 13, 2015 - 08:55:15 in by salman abdi
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo markii u horeysya Qiray Guulaha Xukumadda iyo korodhka Xad- dhaafka ah ee Miisaniyadda Dalka

    "Dawladdii Daahir Rayaale Laba Sanno Ayaanu Ka Baryaynay Inuu Shaqaalaha Musharka U Kordhiyo, Madaxweyne Silaanyo Ayaa U Laban Laabay". Guddoomiye Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dawladdii Daahir Rayaale Laba Sanno Ayaanu Ka Baryaynay Inuu Shaqaalaha Musharka U Kordhiyo, Madaxweyne Silaanyo Ayaa U Laban Laabay". Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. Cabdirxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si weyn u majeertay kordhadhka Miisaaniyadeed ee ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Silaanyo ku talaabsatay muddadii shanta sanno ahayd ee ay Xukunka hayeen.

Sidaana wuxuu ka sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Mud. Cabdiraxaman Cirro barnaamij laga diyaariyay Wasaaradda Maaliyadda oo lagaga hadlaayay horumarka Wasaaradda Maaliyadu gaadhay, kaas oo ka baxay Telefeeshinada. Guddoomiye Cirro waxa hadaladiisi kamid aha.

"Wasaaradda Maaliyadu shaqo muhiim ah ayay Qaranka u haysa, Miisaaniyadu sanad kasta way kordhaysay muddadii ay Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo xilka haysay, lakiin sannadkii ugu danbeeyay ayay korodhkii ugu badnaa laban laabatay, waxaan filayaa in aanay caalamkaba ka dhicin kordhadh intaas leeg.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo ka hadlaaya guulaha ay gaadhay Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda KULMIYE wuxuu yidhi. "Dawladii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu laba sanno ka baryaynay inay shaqaalaha dawladda mushaharka u kordhiso 100%30, lakiin Xukuumaddan (Madaxweyne Silaanyo) ayaa 100%100 u kordhisay shaqaalaha dawladda iyo Ciidamadda.”.

Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Mud. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa muqaalka caawa ka baxay Telefeeshinada wuxuu kaga markhaati kacay in Miisaaniyada Qaranku 100%50, ay ku baxdo Ciidamadda iyo ammaanka isagoo arrintaas ka hadlaaya wuxuu markale yidhi.

"Miisaaniyadda Qaranku waxay 100%50 ku baxdaa ammaanka iyo ciidamadda oo ah laf dhabarkeena”.