Qaraxyo ka dhacay Dalka Shiinaha Oo Dilay in ka badan 50-qof Kun Dhaawacmeen inka Badan 700-qof

0
Thursday August 13, 2015 - 16:54:31 in by Burco Office
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo ka dhacay Dalka Shiinaha Oo Dilay in ka badan 50-qof Kun Dhaawacmeen inka Badan 700-qof

    Ugu yaraan 50-qof oo ay ku jiraan 12 ciidamada loo yaqaan dab-damiska ayaa ku dhintay Qaraxyo culus oo Gilgilay Warshad ay yaalleen Gaas & Kiimiko fara badan oo ku taalla Magaalada Tianjin ee Dalka Shiinaha, iyadoo ay 700-qof oo kalena dhaawacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 50-qof oo ay ku jiraan 12 ciidamada loo yaqaan dab-damiska ayaa ku dhintay Qaraxyo culus oo Gilgilay Warshad ay yaalleen Gaas & Kiimiko fara badan oo ku taalla Magaalada Tianjin ee Dalka Shiinaha, iyadoo ay 700-qof oo kalena dhaawacyo kasoo gaareen.


Wararka ayaa intaas ku daray in 71-qof oo ka mid ah dhaawacyadii Qaraxan ka dhashay ay xaaladoodu aad u daran tahay, iyadoo la sheegayo in tiro kale oo aan la Ogeyn la la’yahah, Waxaana magaalada ay ka dhaceen Qaraxyadan ku nool Malaayiin Qof oo Shiineys ah.

Xukuumadda China ayaan weli wax war ah kasoo saarin Qaraxyada iyo wixii ka dhashay oo Khasaare ah, iyadoo la sheegay in maamulka Degmadaas ay amar ku bixiyeen in la joojiyo dagaalkii lagula jiray dab weyn oo ka dhashay Qaraxa, Welina Qiiq fara badan uu ka socdo goobta ay Qaraxyadan ka dhaceen.

Qaraxyada ayaa burburyay dhismayaal dhaadheer, isagoo sidoo kale Saqafyadii ka qaaday dhismayaasha yaryar ee magaaladaas ku yaalla, xaaladduna ay weli aad u kacsan tahay.

"Weli ma aanan maqal wax war ah oo kasoo baxay maamulka," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, isagoo intaa ku daray. " War-fidiyeenka ayaa goobta buuxiyay si ay dhacdada u tabiyaan.”

Sidoo kale, Wararka ayaa Sheegaya in Qaraxyadan ay xalay saqdii dhexe gil-gileen Tianjin oo 75-mayl dhanka bariga kaga beegan magaalada Xarunta u ah dalka Shiinaha ee Beijing. iyadoo lagu sheegay Qaraxyadan inay yihiin kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca dalka Shiinaha.

Goobjooge kale ayaa u sheegay Warbaahinta inuu dhulka ka dareemay gariir aad u weyn, sidoo kalena uu maqlay dhawaaq culus oo aanu weligiis horay u maqal. Wuxuuna intaas ku daray. "Wixii dhacay waxaan moodayay dhul-gariir, waxaa eegay dariishadayda waxaanan arkay dhul ballaaran oo uu Qiiq fara badan qariyay. Daqiiqado kaddib waxaa dhacay qarax kale oo weyn, kaas oo sii kordhiyay Qiiqii baxayay.”

Saraakiisha Booliiska dalka Shiinaha ayaa sheegay in Qaraxyadan lala beegsaday goob ay yaalleen kiimiko, gaas iyo gaadiid fara badan. Iyadoo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu ballanqaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo Mas’uuliyadda Qaraxyadan lagu helo.

Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ugu khasaare badnaa ee ka dhaca dalka Shiinaha, iyadoo sidoo kale ay ku Gubteen Gaadiid fara badan oo yaallay Warshadda Qaraxyadan culus lala beegsaday.

Si kastaba ha ahaatee, Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas'uul ka tahay Qaraxyadii xalay ka dhacay Shiinaha, balse kooxo Dagaallo Hubeysan kula Jira Xukuumadda Shiinaha ayaa horay u sheegay Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay Shiinaha.