Daawo: Ururka Ladagaalanka iyo wacyigelinta QAADKA ee AKMO oo Munasibad Wacyigelin ah ku qabtay Burco

0
Thursday August 13, 2015 - 17:19:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Ururka Ladagaalanka iyo wacyigelinta QAADKA ee AKMO oo Munasibad Wacyigelin ah ku qabtay Burco

    Masuliyiin, Dhakhaatiir iyo culimo awdiin ayaa ka soo qaybgalay Munasibaddaasi Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada lagaga wacyigelinayey Qaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiin, Dhakhaatiir iyo culimo awdiin ayaa ka soo qaybgalay Munasibaddaasi Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada lagaga wacyigelinayey Qaadka Masuliyiinta Gobolka Togdheer ayaa ka Qaybgalay Munasibad Ururka Dhalinyarada ee ladagaalanka Qaadka ee AKMO uu Bulshada kaga wacyigelinayey Aafada Qaadka, Munasibaddaasi oo ay Masuliyiinta ururka Akmo ku soo Bandhigeen Talooyin lagu Cidhib tiri karo qaadka iyo Xogo ku saabsan dhibaatoyin dhaqaale, caafimaad iyo dhaqan ee uu Bulshada ku hayo qaadku, iyago sido kale Dawladda u soo jeediyey codsiyo ku aadan sida ugu macquulsan ee lagu joojin karo qaadka Culimo awdiinka ugu waaweyn magaalada Burco,saraakiisha ciidamada kala duwan ee Togdheer, iyo Masuliyinta Gobolka ayaa iyaguna si mug leh u soo dhoweyey Munasibaddan Bulshada lagaga wacyigelinayo qaadku. Gebogabadiina waxa shahaado sharafyo lagu guddonsiyey halkaas Taliyaha Xabsiga Burco iyo Qaar kamida shirkado ganacsi oo si gaar ah ula shaqeeya ururkan Akmo.