Ololaha Doorashada Madaxnimo ee Jubbaland oo si weyn laga Dareemayo Magaalada Kismaayo

0
Thursday August 13, 2015 - 18:09:42 in by Burco Office
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Doorashada Madaxnimo ee Jubbaland oo si weyn laga Dareemayo Magaalada Kismaayo

    Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka soconayo olole aad u ballaaran oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland, iyadoo ilaa hadda ay xilkaasi isu soo taageen Afar Musharrax oo uu kamid yah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka soconayo olole aad u ballaaran oo ay wadaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland, iyadoo ilaa hadda ay xilkaasi isu soo taageen Afar Musharrax oo uu kamid yahay Madaxweeynaha imika xilka hayo, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).


Xaflado kala duwan ayaa maalmihii u danbeeyay lagu qabanayay Kismaayo, kuwaasoo ay isku soo shaacinayeen musharixinta dooneeysa qabashada xilka Madaxnimo ee Jubbaland.

Ragga ilaa hadda shaaciyay in ay u taaganyihiin xilka madaxtinimo ee Jubbaland waxaa ay kala yihiin; Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), Hiloowle Aadan Max'uud, Cismaan Xuseen Xaaji Fayruus iyo weliba Max'ed Cismaan Yuusuf.

Mas'uuliyiintani ayaa shahaadooyinkii u tartamidda xilka madaxtinimo ee Jubbaland waxa ay ka Guddoomeen Gudiga Doorashada, ayadoo Guddigu Sheegay in Musharraxiintani ay buuxiyeen Shuruudihii laga rabay.

Musharax Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa maanta xaflad ku qabtay Hotel Kismaayo ayaa uga Codsaday Xubnaha Baarlamaanka Jubbaland in ay codkooda siiyaan isagoo sheegay in hadii xilka loo doorto uu wax badan ka qaban doono Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo weliba dhaqaalaha.

Gudaha degmada Kismaayo ayaa lagu arkayaa gaadiid aad u tiro badan oo ay ku xardhan-yihiin Sawirrada Musharraxiinta kala duwan ee u taagan xilka Madaxtinimo ee Jubbaland, iyadoo dadku ay muujinayaan taageeradooda ku aadan musharixiinta ay u ololeeynayaan in loo doorto hogaanka Jubbaland.

Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 15 bishan, ayadoo ay ka harsantahay maalin qura, waxaana la filayaa in Doorashadani ay noqoto mid si toos ah looga daawan doono Qaar ka mid ah telefishinnada ku hadla afka Soomaaliga.