Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Baxay Degmada Taleex , Ka Dib Baaqii Qaramada Midoobay

0
Wednesday April 16, 2014 - 20:49:17 in by salman abdi
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Baxay Degmada Taleex , Ka Dib Baaqii Qaramada Midoobay

    Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda ay kala baxday Taleex maalin kaddib markii ay halkaas qabsadeen iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku baaqeen nabad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda ay kala baxday Taleex maalin kaddib markii ay halkaas qabsadeen iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku baaqeen nabad.

Ilaa haatan lama oga sababta ay ciidanka Somaliland ugu baxeen halkaas muddo 24 saacadood kaddib markii ay qabsadeen.

Goor sii horreysay ayay Puntland sheegtay inay ciidan u dirayso Taleex kaddib qabsashada Somaliland ee magaaladaas.

Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu xalliyo arrinta magaalada Taleex. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamauud ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in dhinacyada kala shaqeyso sidii xal loogu heli lkahaa arrintaas.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa sidoo kale ku baaqey in nabad lagu xalliyo khilaafka arrintaas ku saabsan.

Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqada ka dhex dhalatay ciidamo ka socda Somaliland iyo kuwo ka socda Puntland, ee ku murunsan Gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

Ciidammada Somaliland ayaa maalin ka hor sheegay inay qabsadeen magaalada Taleex, oo xarun u ahayd kooxdii la baxday Khaatumo ee hore loogu dhawaaqay degaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Afhayeen u hadlay ciidamada milleteriga Somaliland Korneyl Cismaan Cabdillaahi Siciid ayaa sheegay in ciidamada Somaliland – siduu hadalka u dhigay- qabsadeen magaalada Taleex. Waxaa uu sheegay in degaankaas uu ka tirsan yahay xuduuda Somaliland. Balse Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in deegankaas uu ka tirsan yahay dhulkeeda.

 

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com