Daawo:Wefti Xukuumaddu U Dirtay Inay Xuska 18-May Kala Qayb-galaan Jaaliyadda Ingiriiska Oo Dalka Ka Dhoofay + Sawirro

0
Wednesday April 16, 2014 - 20:57:31 in by salman abdi
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wefti Xukuumaddu U Dirtay Inay Xuska 18-May Kala Qayb-galaan Jaaliyadda Ingiriiska Oo Dalka Ka Dhoofay + Sawirro

    Xukuumadda Somaliland ayaa u dirtay waftiballaadhan waddanka Ingiriiska, waftigaasoo kala qaybgali doona qurbajooga ku dhaqan guud ahaangobolada UK, munaasibadda 18-May.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa u dirtay waftiballaadhan waddanka Ingiriiska, waftigaasoo kala qaybgali doona qurbajooga ku dhaqan guud ahaangobolada UK, munaasibadda 18-May.

Waftigan ayaa Maanta Abaaro 12 duhurnimo ka anbaxabaygegada diyaaraduhu ka haadaan ee CIgaal International Airport , iyadoo waftigansoo dhawayntiisa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dalka UK iyo guud ahaanba qaarada Yurubayey xubnihiisa kamid ayaheen gudidii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u magacaabay Qaadhaan ururinta Jidka Burco iyo Ceerigaabo, oo iskugu jira Xidhibaano, Duqa Degmada Ceerigaabo, Masuuliyiin ka Socday Madaxtooyada iyo laba kamida Golaha Murtida iyo Madadaalada.

 

Xubnaha Wafitagan ayaa kala ahaa:

Xildhibaan Abdiraxmaan Maxamed Tanyanle
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye "Nacnac”
Mayor ka magaalada Ceerigaabo , Md, Ismacill Xaaji Nuur Faarax
Xoghaya Wasiirka Madaxtooyada, Md. Sharmaake Axmed Muxuhmed

Sidoo kalewafiga ayaa waxaaqayb ka ahaa, Labada Jilaa ee aadka ugu caanka ah Qosolkaoo magacdoodu Mudooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatay madadaalinta dadka ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland,kuwaas oo kalaah SOORAAN IYO JAWAAN, iyadoola filayo in ay kaalin wayn ka qaadaan doonaan wacyi gelinta loo samayn doono Xuska 18 MAY ee fooda inagu soo haysa.

Wafiga ayaaka-hor intii aanay ka dhoofin Madaarka Hargeisa waxaa uugu horayn goobta ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gudida Qaadhaan ururinta Waddada Burcoiyo Ceerigaabo isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan golaha sharci dejinta, Mudane Abdiraxmaan Maxamed Tanyanle, isagoo si qoto dheer uuga hadlay muhiimada ay dalka iyo dadkaba u leedahay hirgalinta iyo dhismaha Waddada Ceerigaabo, wuxuuna Mud. TalyaanleMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uga mahad celiyey sida uu dabaal dega 23 aad ee Xuska qaranimada Somaliland ugu asteeyey qaadhaan ururin loo sameeyo jidka Ceerigaabo.


Dhanka kale waxaa isna hadalo mahadcelin iyo guubaabo ah uu usoo jeediyey qurbo jooga Jamhuuriyada Somaliland,Duqa Magaaladda Ceerigaabo Mudane Ismaacil Xaaji Nuur Faarax, isagoo sheegay in qurboJooga rer Somaliland hadda ka horna dalka wax badan ka qabteen imikana la taagan yahay xiligii ay xooga dul dhigi lahayeen maal iyo muruqWaddada Ceerigaabo, Duqa Ceerigaabo ayaa cod dheer ku sheegay inay dhammaatay wakhtigii afka laga hadli jiray ee ay maanta marayso DAAWANAAYOW WAA DALKAAGII,


Waftigan ayaa la filaaya inay ka sii gudbaan waddanka Itoobiya, iyagoo u sii dhaafaya waddanka Ingiriiska. Sidoo kale la filaayo inay socdaalo ku maraan waddamo ka tirsan Qaarada Yurub. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hore ugu asteeyay in 16-May loo asteeyay sannadkan dhismaha wadada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo.





 

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkshacabka.com