Xukuumadda Oo Jarmalka Ku Boorisay In Mashaariicda Horumarineed Ee Uu Somaliland Ka Wado Ku Kordhiyo Maalgashi

0
Friday August 14, 2015 - 14:30:09 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Jarmalka Ku Boorisay In Mashaariicda Horumarineed Ee Uu Somaliland Ka Wado Ku Kordhiyo Maalgashi

    Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda ayaa habeen hore kulan casho sharaf ah ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda ayaa habeen hore kulan casho sharaf ah ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, Danjire Christian Resch oo socdaal ku yimid Hargeysa.

Danjire Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland, gaar ahaan biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxaanu dhiirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu ballaadhiyo dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyo maalgashigu ka mid yahay.

Sidoo kale, Safiirka Jarmalka ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxaanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaaddo Somaliland.

Contact@afkashacabka.com