Hargaysa:Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Soo Casuuntay Professor Iqra Oo Aqoon Korodhsi Cilmi Baadhista Ku Saabsan Ardayda U Jeediyay.

0
Friday August 14, 2015 - 14:35:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Soo Casuuntay Professor Iqra Oo Aqoon Korodhsi Cilmi Baadhista Ku Saabsan Ardayda U Jeediyay.

    Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Beder ayaa isna Professorka u Mahad naqay isaga oo tilmaamay Cilmi Baadhis Lasameeyaa muhiim tahay jaamacaduna in Ay samaysaa Waajib tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Beder ayaa isna Professorka u Mahad naqay isaga oo tilmaamay Cilmi Baadhis Lasameeyaa muhiim tahay jaamacaduna in Ay samaysaa Waajib tahay.







Guddoomiyaha jaamacadda ayaa isagu ka hadlay Faa’ida uu Cilmi baadhistu leedahay isaga oo ardayda Fariin u diray waxaana uu yidhi. "Professor Waxa uu maanta inoogu marti yahay sidii uu ardaydeena u bari lahaa sida baadhista loo sameeyo,Run Ahaantii Sharaf ayay Nootahay inaanu Drka ku Casuuno Jaamacadda Beder,waynu ognahay marka aynu jaamacadda ka sheekaynayno waxa ay qabato waa saddex arimood,waa in ay ardayga wax u dhigto ardaygina wax barto,qodobka 2aad ee jaamacadi u dhisan tahay waa baadhis in ay wax soo saarto oo wadanka wax ku soo kordhiso,qaybta Saddexaad ee Jaamacadi u dhisan tahay waa in ay Adeeg Samayso oo ay qayb laxaad leh ka qaadato.




Guddoomiyaha Jaamacadda beder ayaa sheegay in Jaamacaddaha Somaliland Dhamaantood Aanay lahayn waxa layidhaah Baadhis Balse u samaysan yihiin In ay Ardayda waxbaraan Ardayguna wax dhigto,isaga oo cadeeyay inaanayn hawl galin Ama qorshaha jaamacadaha ku jirin Sidii Ardayga loo Bari lahaa inuu baadhis sameeyo.


"Somaliland marka laga sheekaynayo baahida ugu wayn ee haysataa waxa ka mid ah baadhista,mushaakil badan oo maanta ina haystaa waxa ay u baahan yihiin baadhis,marka baadhis lasameeyo ayaa waxa ka farcama xeerkii,sidaas daraadeed Baadhis Markaad samayso lagu kalsoon yahay waxa ay xalisaa am Soo afmeertaa Mushkilada Jirta,


Guddoomiye Aar Ayaan Nasiib Daro ku macneeyay Ardaydu Marka Ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan ee aanay Garanayn Sida Baadhista loo sameeyo in Ay iyaduna mushkilad Hore Leh ardayga ku Abuurayso waxaana uu ku guubaabiyay Guddoomiyahu in Ay marka hore iska dhisaan sida Baadhista loo sameeyo.


‘Maalinta Aad jaamacadda ka qalin jabiso hadaanad garanayn Sida baadhista loosameeyo Run ahaantii mushkilada ayay noqonaysaa shaqadadiina qayb laxaadleh ayaa ku xidhmaysa,Sida wax loo gudbiyo iyo sida loo qoro.


Geesta kale Professor Maxamed Aw-Yuusuf (Iqra) ayaa cilmi baadhista ku sheegay in ay Tahay Erayo Farsamo Am tacliin sare oo Loo isticmaalo Sida Jaamacaddaha,waxaana uu ka shekeeyay Sida loo Baadho Cilmi Baadhitsa isaga oo Marka Hore Maamulka Jaamacada uga Mahad Naqay Siday Madashan ugu Soo Casuumeen.


"Cilmi baadhis waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato eragya, waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS,Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada raacsanyahay oo ay leedahay cilmi baadhistu,waxaase jiro erayo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel dheer cilmi baadhista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.


intaas waxa uu ku daray Professor Iqra.”Cilmi baadhistu waa hab cilmiyaysan oo lagu baadho xogta uu leeyahay mawduuc cayiman,Waxaa kaloo lagu qeexaa cilmibaadhistu in ay tahay nidaam lagu raadinayo xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah cilmiga jiro,Qabiirada qaar ayaa cilmi baadhista ku sheegay in tahay nidaam lagu ogaano wax aan la aqoonin, sidoo kale waxa ku shegaan cilmi baadhistu in tahay safar lagu daahfuraayo aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibadhis lagu shegaa in ay tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.


Sidoo kale waxa uu tilmaamay Marka loo eego Clifford Woody, cilmi baadhistu waxa uu ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo xalka, la sameeyo xog aruurin ku saabsan dhibaatada, kadib xogta la falanqeeyo ugu dabayntiina la isbar bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo baxday xog uruurinta.


Dhinaca kale Professor Maxamed Aw-Yuusuf (Iqra) waxa uu cilmi baadhista ku shegay in ay tahay nidaam lagu baladhinayo, lagu saxayo, ama lagu xaqiijinaayo cilmiga jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruc asalka ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga,Cilmi baadhista waa in la raadiyo runta iyada oo la baadhayo cilmiyeed ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig,Cilmi baadhistan waa hab xal loogu helaayo dhib jiro oo taagan .

Professor Maxamed Aw-Yuusuf (Iqra) ayaa ka shekeeyay hadafka ama ujeedka laga leeyahay Cilmi Baadhis waxaana yidhi.


"Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab loogu helo su’ aalihi aan la aqoon jawaabtooda iyo in la soo helo runta aan weli la ogaan iyadoo lagu radinaayo hab cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu waawayn hadafka qodobada soo socdo.

1 In arin cusub oo si qotod dheer loo baadhay ayaa wax badan lagu ogaan karaa.(Exploratory Study)

2 In cilmi baadhis lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof, koox ama arin (Describtive study)

3 In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq-noqdaan iyagoo xidhiidh la leh arin kale (diagnostic study)

4 In la tijaabiyo sadaalna laga bixiyay xidhiidhka ka dhaxeeyo doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)

Ardayday Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder ee Dr Maxamed Aw-Yuusuf (Iqra) u jeedinayay Aqoon korodhsigan ku saabsan Sidii Ay u Baran lahayeen Baadhista ayaa su’aalo ku saabsan Casharkan uu Bixinayay Waydiiyay Kuwaas oo uu dhamaan ka Jawaabay Dr Maxamed Aw-Yuusuf (Iqra) Si faah-faahsan uga Jaahil Saaray.



Contact@afkashacabka.com