Xisbiga Waddani Oo Beeniyay Inuu Khilaaf Ka Dhex Jiro, Baahinta

0
Saturday August 15, 2015 - 14:42:56 in by Burco Office
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Beeniyay Inuu Khilaaf Ka Dhex Jiro, Baahinta

    Hargeysa(Cadceed) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag u beeniyay warar ay qaar warbaahinta ka mid ahi shalay baahiyeen oo sheegaya inuu xisbiga Waddani ka dhex jiro khilaaf balaadhan oo u kala jebiyay laba garab kaas oo salka ku hay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Cadceed) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag u beeniyay warar ay qaar warbaahinta ka mid ahi shalay baahiyeen oo sheegaya inuu xisbiga Waddani ka dhex jiro khilaaf balaadhan oo u kala jebiyay laba garab kaas oo salka ku haya xulashada murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbigaas oo ay warbaahintu sheegtay inay isku hayaan guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro iyo ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed.


Guddoomiye-xigeenka xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed, oo xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas oo uu sheegay inay yihiin dacaayad ay xukuumadu ka dambayso. "Runtii ma jiro wax khilaaf ah oo xisbiga ka dhex jiraa, waana dacaayad raqiis ah oo ah waxyaabaha ay xukuumadu lacagta ku bixiso. Xukuumadii waxay masuuliyadii loo dhiibay kaga mashquushay inay xisbiga Waddani maalinba dacaayad ka faafiso iyadoo dayacday gudihii wadanka oo maalinba sarkaal ciidan la dilayo iyo siyaasadii dibaddaba. Markaas arrintaasi waa been abuur wax ka jiraana ma jiro. Haddii ay xukuumadu rabto inay shaki iyo dhibaato xisbiga Waddani gudihiisa geliso, shaki iyo dhibaato waxa ugu filan xisbigii KULMIYE oo la wada ogyahay xaaladda mugdiga ah ee uu maanta ku jiro. Markaas warkaasi ma jiro, haddii uu jirana cidda ay sheegayaan ayay soo bandhigi lahaayeen, waana dacaayad, xisbiga Waddanina wax lagaga qaadayo dacaayadaasi ma jirto.”

Axmed Muumin Seed, isagoo ka hadlaya xaaladda dalka, wuxuu yidhi "Waxaan doonayaa inaan kelmad ka idhaahdo xaaladda guud ee Somaliland, xukuumaddan hadda jirta ee Axmed Siilaanyo waa xukuumadii afraad ee dalka hoggaamisa, laakiin Somaliland marka la eego xukuumadihii wadanka soo marayay waa ta;’ ugu liidata maamul ahaan, taasna waxaan ku sababaynayaa shantii sannadood ee ay talada haysay dilalka kala duwan ee ka dhacay magaalooyinka dalka ee lagu dilay dad shacab ah iyo saraakiil ciidan. Waa markii u horaysay ee la arko ciidan dhexdooda is dilaya taariikhda Somaliland, xukuumadihii ka horeeyay laguma arki jirin oo may ahayn wax dhaca in ciidamadu gudahood is dilaan, iyadoo ay taasi jirto ayuu haddana wasiirkii daakhiligu ku mashqulsanyahay inuu yidhaahdo igu sawira meel doog leh. Waxa kale oo jirta in siyaasadii dibadda ee Somaliland oo ay duni badani xiisayn jirtay xidhiidhna la lahayd maanta ay liidato oo aynu ognahay halka ay marayso.”

Wuxuu Axmed Muumin Seed, intaas raaciyay oo yidhi, "Markaas Somaliland waxay ku jirtaa xaalada adag, xukuumaduna waxay ku mashquulsantahay in dhaqaalihii wadanka loogu tallo galay ee ay ahayd inay wax kagaga qabato biyo la’aanta Hargeysa iyo haraadka wadanka ka jira ay ku bixinayso dacaayad ay ka faafiso xisbiyada mucaaradka iyo hebel ayaa ka baxay. Markaas wadanku wuxuu u baahanyahay gurmad deg deg ah.”