Daawo: Wasiir CADAMI oo marki u horeysay ka hadlay Dilalkii ka dhacay Dalka iyo Saraakishi lagu Dilay Borama kuna Goodiyey in la qisaasi Doono Gacankudhiglayaashi

0
Saturday August 15, 2015 - 16:28:35 in by salman abdi
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiir CADAMI oo marki u horeysay ka hadlay Dilalkii ka dhacay Dalka iyo Saraakishi lagu Dilay Borama kuna Goodiyey in la qisaasi Doono Gacankudhiglayaashi

    "Dhamaan Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilalka Gaystay Waa La Hayaa,Waana La Qisaasi Doonaa Si Dhakhso Ah"Wasiir Cadami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhamaan Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilalka Gaystay Waa La Hayaa,Waana La Qisaasi Doonaa Si Dhakhso Ah"Wasiir Cadami

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhex dhacay ciidamada qaranka, waxaanuu ku tilmaamay nasiib darro soo korodhay oo aan hore dalka uga jirin oo baadhitaan lagu samayn doono.

Axmed Xaaji Cali ayaa sheegay in arrintaasi la baadhayo oo ay u dirayaan guddida khubaro ah oo ku xeel dheer arrimaha ciidamada, kuwaas oo soo baadhi doona dhamaan dilalkii kala dambeeyey ee ka dhex dhacay ciidamada dalka si loo ogaado sababta keenaysa dhacdadani.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Waa arrin cusub oo mid ciidankeennu ka samato baxsanaa ayey ahayd, iyaga oo habeen iyo maalin jooga oo heeganka ku jira arrimahan iska daba dhacay waxa lagu tilmaami karaa nasiib darro soo korodhay, wax ka qabadkeedii wuu dambeeyaaye waxa lagu tilmaami karaa nasiib xumo oo waa maqaadiirtaas dhacday oo waliba dad qiimo weyn ugu fadhiya qaranka oo waliba saraakiil ah, haba kala duwanadeene ayaa qaarkoodna hadda dhaawac u jiifaan oo ninkaas hadda u dambeeyey ee lagu toogtay Boorame ee xukumayey galbeedka oo dhan, waxaana loo nisbayn karaa nasiib darro dhacday oo soo korodhay oo aan awal hore jiri jirin”
Wasiir Cadami oo aanu waydiinay sababta ay u aanaynayaan in ay keenayso dilalka ciidamada ka dhex dhacaya, waxa uu jawaabay "Waa khasab in baadhitaan lagu sameeyo sababta keenaysa dilalka Saraakiisha, waanu iska aragnay macal wasaaradda arrimaha gudaha oo iyada lafteeda ciidan u joogo waanu ka tashanaynaa, waxbaanu isla soo qaadnay waa la dhamays tirayaa weliba waa la dedejinayaa in la ogaado kiisaska dhacay, marka la ogaado mid kastana sababta waxbaa soo baxaya, waxaana loola jeedaa soo bax iyo soo bax la’aanba aduunka oo dhan waa sidaas oo wixii markaas kula soo dersa, in dhaawac loo geysto dadkii qaaliga ahaa ee nabad gelyada la soo jiifay mudada dheer ee gacantooda ku hayey ee naftooda u hibeeyey inay dalkooda iyo qarankooda daafacaan, in la iska aamuso oo la yidhaahdo waa nasiib darro keliya kuma filnee, in daraasad deg deg ah la sameeyo oo dad khubaro ah oo xaga ciidamada lagu soo daro guddidaas, ka dibna dhacdo walba la daba galo dhacdoyinkii dhacay iyo sababaha ay u dheceen iyo dadka markaa deegaankaas joogaa xog hayaanba la helo waa lagama maarmaan in lagu tallaabsado hadda”
Axmed Xaaji Cali Cadami oo aanu waydiinay in ay saamayn ku leedahay dilalkan soo noqnoqday darajadii ciidamada la siiyey, waxa uu ku jawaabay "Maya cid darajada bar tilmaameedsanaysa ma jiraane oo dirayska weerartay qofka naftiisii qaaliga ahayd ayaa la weeraray, waxyaabaha qaar aan isku iman Karin ayaa nirta, Millateriga moral ayey u kordhisay derajadii, runtiina dedaal aad u fara badan ayaa la sameeyey haddii ay guddidii derajada loo xil saaray ahayd iyo haddii ay madaxda qaranka ahaydba, intaas gobolada kala jooga oo dhanba cidbaa loo diray oo si isku mid ah hawshii marbaa laga soo wada fara xashay, markaa hawshaas Derajo bixinto mid khayr qabta oo sumcaddii iyo mooralkii ciidankaba kor u qaaday ayey ahayd, wax dhaliil ahna kuma sheegi karo sababna loogama dhigi karo Derajada, intaanaan ku deg degin sababta waxaanu la kaashanaynaa dad aqoonyahan ah oo ku xeel dheer Millateriga oo arrintaas soo dersa”
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu ugu dambayn sheegay in gacanta lagu hayo dhamaan gacan ku dhiigleyaashii dilalka geystay mid mooyaane oo sharciga la marin doono sida ugu dhakhsaha badan, waxa uu yidhi "Dhamaan gacan ku dhiigleyaashii dilalka geystay waa la hayaa dalka oo dhan mid mooyaane, waxaana la marin doonnaa qisaastii sharciga ahayd sida ugu dhakhsaha badan, hadda afar ayaa la hayaa oo kii Boorame ugu dambeeyey waxaana qisaastooda loo fulin doonaa sida ugu dhakhsaha badan oo hawshaas gacanta ayaa lagu hayaa”.

Xigasho: Saxan Saxo