Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku Dhintay Badda u Dhexeysa Waddamada Liibiya iyo Talylaaniga

0
Saturday August 15, 2015 - 18:52:52 in by Burco Office
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku Dhintay Badda u Dhexeysa Waddamada Liibiya iyo Talylaaniga

    Ugu yaraan 40-Qof oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Sabtida maanta ah badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada badda dalka Talyaaniga. Muhaajiriintan ayaa la sheegay inay ku safrayeen doon yar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 40-Qof oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Sabtida maanta ah badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada badda dalka Talyaaniga. Muhaajiriintan ayaa la sheegay inay ku safrayeen doon yar.


"Howlgalku wuu socaa… Tiro Tahriibayaasha ah ayaa la badbaadiyay, ugu yaraan 40-qof oo ka mid ahna way dhinteen,” sida ay ciidamada badda Talyaanigu goor-dhow ku qoreen bartooda Twitter-ka. Halka WargeyskaCorriere Della Seraoo ka soo baxa Talyaaniga uu isaguna qoray in dadka dhintay laga helay Qyabta hoose ee doonidii ay ku safrayeen.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa baahiyay in doonida ay ku Wajahnayd Jasiiradda Lampedusa oo ku Taalla Koonfurta Waddanka Talyaaniga, Wuxuuna intaas uu ku daray in 300-qof oo Magan-galyo-doon ah ay saarnaayeen doonida.

Wariyaha Telefishinka RAI ee Talyaaniga oo la socday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa Sheegay in Doonida oo 21-Mayl u jirtay Xeebaha dalka Liibiya si aad ahna u buuxday ay billowday in ay dagto.

Markab kuwa ciidamada badda Talyaaniga ah ayaa markiiba loo diray doonida si uu uga soo badbaadiyo dadka, iyadoo Tahriibayaasha Geeriyooday iyo kuwa la badbaadiyay la sheegay inay ahaayeen Afrikaan doonayay inay galaan Waddamada Yurub.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inaysan Dhamaantood u dhiman Quusidda, balse uu jiray Dab qabsaday doonida, kaasoo Sababay inay ku dhintaan Tahriibayaasha Qaar ka mid ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay Jimcihii in dalalka Qaaradda Yurub ay lasoo Gudboonaatay Qulqulka Qoxootigii ugu badnaa Wixii ka Dambeeyay markii uu Dhammaaday Dagaalkii labaad ee Dunida sannadkii 1945-kii.

Ugu dambeyn, Tahriibayaal Tiradoodu Gaarayso 101,700 oo qof ayaa gaaray Talyaaniga Sannadkan aynu jirno oo keliya. Iyadoo sidoo kale ay ku naf-waayeen in ka badan 2,040-qof oo magan-galyo doon ah badda Mediterranean-ka, sida ay baahisay Hay’adda IOM.