Axmed Madoobe Oo Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro

0
Saturday August 15, 2015 - 18:58:06 in by Burco Office
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe Oo Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland+Sawiro

    Kismaayo (AFKA) – Waxaa goor dhaweyd soo dhamaatay codbixinta ka dhaceysay Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dooranayey Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo (AFKA) – Waxaa goor dhaweyd soo dhamaatay codbixinta ka dhaceysay Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dooranayey Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.


Doorashadan ayey ku tartamayeen afar murashax oo uu ku jiro Madaxweynaha Xilka Hayey Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markale ku guuleystay doorashada.

Codbixinta ayaa waxaa ka qeyb qaatay 77 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka Jubbaland, waxaana wareegii 1aad cod aqlabiyad ah ku guuleystay Madaxweynaha xilka haya Axmed Madoobe oo helay 68 cod.

Natiijada wareega 1aad ayaa ahayd:

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – 68 cod Hilowle Aadan Maxamed – 2 Cod Cismaan Xaaji Xussen Fayruus – 2 cod Maxamed Cismaan Yusuf – 0 cod

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isla goobta lagu dhaariyey.

Murashaxiinta laga guuleystay oo madasha goor dhaweyd ka khudbeeyey ayaa sheegay inay aqbaleen natiijada, isla markaana u hambalyeenayey Madaxweynaha la doortay.

Doorashada ayaa ah u dhacday si qarsoodi ah oo ay xildhibaanada codkooda ku rideen sanduukh muraayad ah, waxaana madasha ku sugan wafuud kala gedisan oo ka socota IGAD, Midowga Afrika, Dowlada Federaalka iyo marti sharaf kale.