Dowladda Itoobiya oO Dad Soomaali Ah Ka Soo Mustaafurisay Xarunta Dalkaas Ee Addis Ababa

0
Saturday August 15, 2015 - 19:03:44 in by Burco Office
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oO Dad Soomaali Ah Ka Soo Mustaafurisay Xarunta Dalkaas Ee Addis Ababa

    Dowlada Itoobiya ayaa Dalkeeda kasoo Musaafurisay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalkeeda ku dhawaad 60-qof oo Soomaali ah, iyadoo dadkan lagu wareejiyay Waaxda Socdaalka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Itoobiya ayaa Dalkeeda kasoo Musaafurisay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalkeeda ku dhawaad 60-qof oo Soomaali ah, iyadoo dadkan lagu wareejiyay Waaxda Socdaalka Somaliland.


Dadkan laga soo musaafuriyay Itoobiya ayaa waxaa lagu hayaa hadda Hargeysa, iyadoo Dadkan Qaarkood oo la hadlay BBC-da ay Sheegeen in muddo bil ah ay ku jireen xabsi, kaddibna lasoo musaafuriyay.

"Aniga waxaa la i yiraahdaa Shuceyb C/kariin Geed-seexde, Waxaan ka mid ahay Dadka Soomaaliyeed ee laga keenay Magaalada Addis Ababa, innagoo iska joogna ayaa nala soo Qabqabtay, waxaan naloo soo qabtay arrin la xiriirta imaashihii Barack Obama. Bil iyo bar ah ayaan xabsi ku jiray, Hadda ayaana nala soo Musaafuriyay,” ayuu yiri Shuceyb Geed-seexde.

Sidoo kale, waxaa Shuceyb la weydiiyay inuu sharci ku haystay Addis Ababa iyo in kale, wuxuuna sheegay inuusan wax sharci ah ku haysan. Wuxuuna intaas ku daray in 59-qof oo Soomaali ah ay yihiin, ayna isugu jireen kuwo sharci leh iyo kuwo aan sharci lahayn.

"Waxaa naloo Qab-qabanayay inaan Soomaali nahay oo keliya. Addis Ababa Waxaan u joogay inaan kasii dhoofo; waxaanan markii hore ka imid Muqdisho, haddana Muqdisho ayaan ku laahanayaa,” ayuu Shuceyb hadalkiisa ku daray.

Asma Xaaji Jaamac oo ka mid ahayd dadkan Soomaaliyeed ee laga Musaafuriyay dalka Itoobiya oo iyadana BBC-da u warramaysay ayaa sheegtay inay Hargeysa ka tagtay oo ay Addis Ababa u Joogtay inay dibadda uga sii dhoofto, iyadoo ku daray inay haysatay sharci, balse loo qabqabtay imaashihii Madaxweyne Barakac Obama oo bishii lasoo dhaafay booqasho saddex casho ah ku tagay Addis Ababa.

Soomaalidan lasoo musaafuriyay ayaa waxaa kaloo ka mid ah; C/shakuur Yuusuf Nuur Seed oo sheegay in laga qabtay guri uu ka deggenaa Xaafadda Bole oo Xaafadaha Addis Ababa ka mid ah xilli Aroor hore ah oo uu Hurdayay.

"Anigu Sharci ayaan haystay, Waxaana Itoobiya ku galay sharci aan kasoo Qaatay Dalka Zambia oo aan deggenahay. Mana garanayo sabab la ii qabtay,” ayuu yiri C/shakuur Seed oo intaas ku daray. "Markii la i qabtay Waxaan Rusay Ciidamada sharcigii aan watay sida Baasaboorkii iyo Fiisadii, wayna iga qaateen, waxaana la i geeyay xabsi aan muddo bil iyo toddoba casho ah ku xirnaa, Hageysan ayaana la ii soo Musaafuriyay.”

C/sharkuur Seed ayaa sheegay inuu Addis Ababa u yimid Qoyskiisa oo halkaas ku nool, sharcigiisiina aan dib loogu soo celin, wuxuuna xusay inuu doonayo inuu dib ugu laabto dalkii uu markii hore ka yimid ee Zambia.

Ugu dambeyn, C/shakuur ayaa sheegay in dadka la Qab-qabtay ay aad u Tiro badnaayeen, ayna ku jireen Soomaali haysta dhalashooyinka dalalka Yurub qaarkood, balse xilli dambe qaarkood lasii daayay, balse iyaga loo diiday in lasii daayo, wuxuuna intaas ku daray in loo diiday in nala sii daayo Safaaradda Soomaalida ee Addis Ababa oo noogu timid Xabsiga.

Si kasta ha ahaatee, Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland, Col. Maxamed Cali Yuusuf oo isna hadlay BBC ayaa sheegay in dadkan ay doonayeen inay Magaalada Addis Ababa qaab tahriib ahaan ah uga baxaan, haddana dib loogu soo celiyay meelihii ay markii hore ka baxeen.