Madaxweyne Maamul Gobleedka Puntland Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Madoobe

0
Saturday August 15, 2015 - 19:08:04 in by Burco Office
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Maamul Gobleedka Puntland Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Madoobe

    Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay Guusha Axmed Maxamed Islaan (Madobe) uu ka gaaray Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay Guusha Axmed Maxamed Islaan (Madobe) uu ka gaaray Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.


"Waxaan Madaxweynaha cusub u rajaynayaa inALLE u fududeeyo xilka uu ku guulaystay ee afarta sano ee soo socoto ah," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo dhanka kale u diray Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Jubba isagoo kula hadlay Khadka Taleefoonka.

C/weli Gaas ayaa mar kale yiri. "Bulshada Jubbaland waa in ay u istaagaan sidi ay u garab istaagi lahaayeen madaxweynahooda, waana soo dhaweynaynaa sida ay Maanta u dhacday doorashadan la Qabtay."

Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku guulaystay codad dhan 68-cod oo uu ka helay Xildhibaannadii codka dhiibanayay, waxaana labadii musharax ee ugu soo dhawaa ay heleen min laba cod.

Sidoo kale, Maamullada Puntland & Jubbaland ayaa la dareen-san yahay inuu ka dhaxeeyo Xiriir Wanaagsan, waxaana Hambalyada Madaxweynaha Puntland ay ku soo beegmaysaa, iyadoo madaxweynaha Jubbaland uu dhowr jeer oo hore soo booqday magaalada Garowe.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isla maanta loo dhaariyay in uu hogaamiyo maamulkaas Afarta sano ee socoto, iyadoo ay Hor-yaallaan Shaqooyin ay ka mid tahay Wax-ka-qabashada Tabashooyinka bulshada ku dhaqan Gudaha Jubbaland.