Wiil Dhallinyaro Ah Oo u Dhashay Japan Oo Guuldarradii u Beddelay Guul, Kana Hadlay Socdaalkiisa Somaliland

0
Thursday April 17, 2014 - 15:21:49 in by Super Admin
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Dhallinyaro Ah Oo u Dhashay Japan Oo Guuldarradii u Beddelay Guul, Kana Hadlay Socdaalkiisa Somaliland

    Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey socdaal uu hadda kusoo maray dalka Bangaladdesh oo uu ka bilaabay Mashruuc Sidii Waxbarasho Online-ah ay u heli lahaayeen ardayda reer Japan ee ku dhaca imtixaanaadka Dugsiyada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey socdaal uu hadda kusoo maray dalka Bangaladdesh oo uu ka bilaabay Mashruuc Sidii Waxbarasho Online-ah ay u heli lahaayeen ardayda reer Japan ee ku dhaca imtixaanaadka Dugsiyada,

Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, ayaa maanta si kedis ah ula kulmay Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Japan oo la yidhaa Atsuyoshi Saisho oo socdaal booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland 12kii Abriil, 2014, waxanu nooga warramay ujeeddooyinka booqashadiisa, isagoo markiiba daboolka ka qaaday inuu yahay Arday bsihii la soo dhaafay uu ka qaatay Digriigiisa kowaad mid ka mida Jaamacadaha ku yaal magaalada Tokoyo ee caasimadda u ah dalka Japan.

Waxa uu intaa ku daray Mr. Atsuyoshi inuu haatana Digriigiisa labaad ka bilaabayo dalka Biriteyn, taasoo la xidhiidha dhinaca culuunta Waxbarashada. Asbaabaha uu ugu leexday xagga Waxbarashada culuunteeda, ayaa waxa uu si xiiso leh oo aan wax gabbasho ah lahayn uga warramay wixii ka qabsaday waqtigii uu u gudbay Waxbarashada heerka Dugsiaga sare, waxanu isagoo ka warramaya uu yidhi," Waxbarashadii caadiga ahayd ee Dugsiga sare waan wadi kari waayey oo maaddooyin badan ayaan keenay 2% tan ugu badana 16%, markaa sidaa ayaan ku dhacay, intaa wax ka badana waa keeni kari waayey si kastoo aan u dadaalo."

Haseyeeshee waxa uu sheegay inuu helay dariiq kale oo uu dhibco badan ku keeni karo isla Waxbarahadii heerka dugsiga sare kuna dhammeyn karo dariiqaa cusub ee uu helay oo noqday Waxbarashada loo yaqaan ( e-Education ) ama [ Online-ka] Markuu ka gudbay ee uu ku guulaystay Waxbarashadii Dugsiga Sare ee uu heer Jaamacadeed u gudbay, ayaa waxa uu sheegay in dunida, gaar ahaana dalka Japan ay jiraan arday badan oo isaga la mid noqon kara xagga Waxbarashada, sidaana ay kaga hadhaan sii waditaanka Waxbarasho.

Sidaa darteed waxa uu daboolka ka qaaday inuu ku dhaqaaqay sidii uu ololaha hawshaa Waxbarasho ee Online-ka ay u heli lahaayeen ardayda reer Japan ee ku dhaca imtixaanaadka Dugsiyada, waxanu ku guuleystay inuu ka sameeyo dalkaas hay'ad la xidhiidha qaabka waxbarasho ee aan soo xusnay, taasoo dhaqaale aad iyo aad u kooban ka heshay jaamacadda Tokoyo, kadibna uu ku dhaqaajiyey ololihiisii, taasoo siduu sheegay ay dalka japan heerkii Waxbarasho uu kor uga kacay halkii hore ilaa 44% .

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey socdaal uu hadda kusoo maray dalka Bangaladdesh oo uu ka bilaabay Mashruuc arrintan la xidhiidha oo uu ka bilaabay dalkaas oo isna meel fiican u maraya ardaydii uu soo ururiyey ee sidiisa oo kale ugu dhacday Waxbarashada caadiga ah, ujeeddada uu u yimid Somaliland tahay taas oo kale iyo sidii uu u kaalmeyn lahaa ardayda reer Somaliland ee aan ku fiicnayn in Waxbarashada caadiga ah wax ku bartaan ama ka gudbaan imtixaanaadka, kuwaas oo uu sheegay in laga yaabo inay dhinaca waxbarasho ee Online-ka ay ku wanaagsanaadaan. Waxa uu intaa ku daray in dadka reer Japan aanay 99% kala aqoon Somaaliya iyo Somaliland , sidaa awgeedna Waalidka dhalay iyo asxaabtiisuba aad iyo aad uga walwalsanaayeen, balse haatan markuu arkay nabada taalla Somaliland uu qanciyey oo ay niyaddu u degtay, waxani intaa raaciyey in isla sannadkan badhtamihiisa uu dalka keeni doono arday reer Japan ah oo aan badnayn oo xidhiidh ka dhaxeeyo, si ay ula galaan ururinta olole dhaqaale oo lagu badhi taageero ardayda Somaliland ee wax lagu bari doono qaabkan.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com