SOOMAALI KA BADAN 90 RUUX OO KENYA DALKEEDA KA SOO MASTAAFURISAY OO MUQDISHO LAGA SOO DEJIYEY

0
Thursday April 17, 2014 - 15:35:23 in by Super Admin
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALI KA BADAN 90 RUUX OO KENYA DALKEEDA KA SOO MASTAAFURISAY OO MUQDISHO LAGA SOO DEJIYEY

    Dad Soomaali ah oo kor u dhaafaya 90 qof oo Kenya ku noolaa ayaa maanta laga dejiyey Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Soomaali ah oo kor u dhaafaya 90 qof oo Kenya ku noolaa ayaa maanta laga dejiyey Muqdisho.

Dadkan oo laga soo tarxiilay Kenya ayaa xukumadda Kenya sheegtay inay dalkeeda ku joogeen sharci daro islamarkaana aanay haysan Sharciyo.

Safiirka Somalia Kenya u jooga ayaa intii aan la soo dhoofin sheegay in dadkani ku qanacsan yihiin in dalkooda loo celiyo maadaama aanay haysan Sharcigii ay ku joogi lahaayeen Kenya.

Todobaadadii la soo dhaafay ayaa dadka badan 80 Ruux laga soo dejiyey Magaalada Muqdisho kuwaasi oo Kenya dalkeeda ka soo mastaafurisay. Kenya ayaa dalkeeda ka wada hawl galo ay sheegayso inay Amaankeeda ku xaqiijinayso balse tacadiyo badan kula kacday dadka Soomaalida ah.




Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com