Shaqaaqaddii Xaafadda Daami oo Go'aan Rasmi ah Laga Gaadhay Kuna Dhammaaday Guulk Iyo Heshiish Buuxa (Sawiro)

0
Sunday August 23, 2015 - 21:10:33 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaaqaddii Xaafadda Daami oo Go'aan Rasmi ah Laga Gaadhay Kuna Dhammaaday Guulk Iyo Heshiish Buuxa (Sawiro)

    Shir Balaadhan Oo Socday Muddo Afar Maalmood Ah Laguna Gorfeynayay Sidii Xal Waara Looga Gaadhi Lahaaa Khilaafka Dhalinyarada ku dhex maray xaafada daami ee magaalada Hargaysa ayaa maanta ka dhacay Hargaysa. Haddaba Heshiishkii Labada Garab ee Dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Balaadhan Oo Socday Muddo Afar Maalmood Ah Laguna Gorfeynayay Sidii Xal Waara Looga Gaadhi Lahaaa Khilaafka Dhalinyarada ku dhex maray xaafada daami ee magaalada Hargaysa ayaa maanta ka dhacay Hargaysa. Haddaba Heshiishkii Labada Garab ee Dhalinyaradda Lagu xaqiijinayo oo lagaga dhawaaqay baaq nabadeed oo sheegaya in Sulux iyo Is Afgarad Uuu ku Dhammaday SHirkii Heshiisiintu.

Waxa shirkaasi Maanta ka soo Qeyb Galay Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Qeybteeda AMNIGA Mudane Cabdi Daahir Camuud Taliye Xigeenka Bileyska Mudane Fooxle Taliye Qaybeeedka Bariga , Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee gudida Xuquuqal insaanka Xasan Sheikh Maxamed Aw Cali iyo Xubin Sare oo Gudidda Xuquuqal Aadamaha Qaranka Commissioner Liban Ismaaciil Maxamuud iyo Salaadiinta iyo Cuqaasha Beelaha Xaafadaas Wada Degan iyo Dhammaan Bulshada Ku Dhaqan Xaafadda Daami Gaar Ahaan Labaddii Dhinac ee Shaqaaqaddu ka dhex dhacday.

 

Gudiddii Xalintu Sida ay Sheegeen Waxay Isa Soo Hor Fadhiiisiyeen Labaddii Garab ee Dhalinyaradda ee Rabshadoodu muddada Badan Soo Noq Noqotay dhexmartay, Dood iyo Falanqayn dheer ka dib waxa ka soo Baxay heshiis iyo is afgarad buuxa laguna heshiiyay dhalinyaraddii labadda garab ahaa.

Waxa La aas - aasay Laba Gudi oo Labada dhinac ee xaafadu u dhan tahay kuwaas oo Amniga kala Shaqayn Doona Bileyska kuwaas oo kala ah Gudidda Dhalinyarada Xaafadda Daami iyo Gudidda Nabad Galyadda Xaafadda Daami.

Waxayna Gudiyadaasi ka kooban yihiin Gudidda Nabad Galyada oo Toban Xubnood ah iyo Gudida Dhalinyarada oo Iyaguna ah 8 Xubnood Waxaana Liiska Gudiyada Labada dhinac ee Garabka Dhalinyarada iyo ka odayaasha Lagu iclaamiyay Shirkii Maanta Ee Nabad Galyadda Xaafada Daami.

Ugu Danbayn Waxaa Halkaaas Lagaga Dhawaaqay Qodobadan Hoos Ku Xusan

Go’aaanaddii Gudiddu Soo Saartay.

1.waxaa xaafada loo sameeyay guddi midaysan oo ka kooban 10 xubnood labada dhinac mid oo Amniga Xaafada Kala Shaqaynaya Bilayska iyo Dhalinyaradda.

2.Waxa kaloonu samaynay gudi dhalinyaro oo ay u dhanyihiin Labada Dhinac, waxaanay si buuxda ugu heshiiyeen inay si buuxda amaanka xaafada uga wada shaqeeyaan iyo horumarka xaafada.

3. in si midaysan labada gudi iyo dhamaan masuuliyiinta xaafadu uga hawlgalilahaayeen sidii rugta bilayska looga dhigi lahaa saldhig weyn xukumadana ula kaashan lahaayeen.

4. in gudiyada odayaasha iyo gudida dhalinyaraduba ay ugu tafaxaydan lahaayeen sidii dhalinyarada xaafada loogu heli lahaay garoon kubadeed oo xaafadu leedahay.

5. In Bileyska Lagala Shaqeeyo La Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dhaqamadda Xun Xun.

6. in sariimada xaafada la hagaajiyo lana horumariyo lana dayactiro lana kaashado dawlada hoose iyo cidii kale wax ka qaban karta horumarkeed.



Contact@afkashacabka.com