Dawlada Ingiriiska Oo Shaacisay Dib U Furaysa Safaaradeedi Iran Afar Sanno Kadib Iyo Sababta Keentay

0
Sunday August 23, 2015 - 21:29:06 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriiska Oo Shaacisay Dib U Furaysa Safaaradeedi Iran Afar Sanno Kadib Iyo Sababta Keentay

    Safaaradda Britain ay ku lahayd magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iraan ayaa la filaaya in maanta dib loo furo kadib mudo afar sano ah ay xidhnayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Britain ay ku lahayd magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iraan ayaa la filaaya in maanta dib loo furo kadib mudo afar sano ah ay xidhnayd.

Xogheyaha arrimaha dibadda ee UK Philip Hammond ayaa la filaya in ay ka qaybgalaan munaasabada dib loogu furayo Safaaradda oo ka dhici doonta magaalada Tehraan, waxaana la socda wefdi u badan ganacsato.


Mr Hammond oo noqon doona Xogheyaha arrimaha dibadda u horeeyay UK ee booqda Iraan tan iyo 2003-dii ayaa sheegay in talaabadan tahay mid lagu hagaajinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Iraan ayaa iyaduna la filaya in ay dib u furato Safaaraddii ay ku lahayd magaalada London.

British-Embassy-in-Tehran
Safaaradda Britain ee dalka Iraan ayaa la xidhey sanadkii 2011 kadib markii ay weerareen dad banaanbax sameynayay oo xilliga kasoo horjeeday cunoqabateyn la saarey Iraan.
Iraan ayaa marka ku dhawaaqdey go’aan ay ku musaafurinayso Safiirka Britain ee dalkeeda, waxaana arrintaas ka cadhoodey Britain oo bil kadib albaabada isugu dhuftey Safaaraddii Iraan ee London.



Contact@afkashacabka.com