Duqa Hargaysa Oo Go,an Adag Ka Soo Saaray Ciyaartoyda Dawlada Hoose Inay U Ciyaari Karin Gobol Kale

0
Sunday August 23, 2015 - 21:47:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Hargaysa Oo Go,an Adag Ka Soo Saaray Ciyaartoyda Dawlada Hoose Inay U Ciyaari Karin Gobol Kale

    maayirka magaalada Hargeysa ayaa soo saaray waraaq ku lid ah ciyaartoyda gobolka Hawd oo uu doonaayo in uu ka joojiyo koobka gobolada Somaliland ee ay gobolkooda u ciyaarayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maayirka magaalada Hargeysa ayaa soo saaray waraaq ku lid ah ciyaartoyda gobolka Hawd oo uu doonaayo in uu ka joojiyo koobka gobolada Somaliland ee ay gobolkooda u ciyaarayaan.
maayirka ayaa waraaqdan u soo saaray ku sheegay in ciyaartoyda u ciyaara dawlada hoose ee magaalada Hargeysa ay mamnuuc ka tahay inay gobol kale u ciyaaraan,isaga oo ugu hanjebay inuu lacagta ka jari doono haddii ay taasi dhacdo.
maayirka ayaa doonaaya sidii uu uga hor tegi lahaa ciyaartoyda gobolka Hawd oo intoda badani ay ka ciyaaraan magaalada Hargeysa,kuwaas oo mar walba guulo ka gaadhi kara ,sidoo kalena hanan kara koobka gobolada Somaliland,waxa kale oo meesha ka baxay ciyaartoydii xulka gobolka Maroodi jeex oo iyagu ku hungoobay koobkii hore ee ay qaadeen,kadib markii ay dawlada hoose iyo maamulka gobolku waxba u qaban waayey.
Koofiindhe oo hore uga tirsanaa xulka gobolka Maroodi jeex,sidoo kalena kamida ciyaartoyda u ciyaarta dawlada hoose ee Hargeysa ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu u ciyaaraayo gobolka Hawd oo uu u xidhan yahay kabtanka,taas ayaa iyaduna ka mid ah sababaha uu waraaqdan maayirka Hargeysa usoo saaray.
maayirka caasimada ayaa ah maamulaha qaybo caasimadii loo doortay wax ka qabtay halka ay qaybo kalena wax qabadka dawlada hoose ka aradan yihiin,taas oo keentay in ay odayaasha Hargeysa qaylo dhaan kasoo saaraan wax qabad la'aanta iyo daamaynta magaalada Hargeysa uu ka wado maayir Soltelco.
Contact@afkashacabka.com