Wasiirkii Hore ee Waxbarashada somaliland Xasan Gadhweyne oo Raalligelin Hawada u Mariyey Gabadh uu sheegay inu dhowaan aflagaadeeyey oo anu marki hore garanayn, xusayna inu xisbiga Ucid ka tirsanyahay kana mid yahay.

0
Tuesday February 11, 2014 - 10:22:33 in by London Office
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore ee Waxbarashada somaliland Xasan Gadhweyne oo Raalligelin Hawada u Mariyey Gabadh uu sheegay inu dhowaan aflagaadeeyey oo anu marki hore garanayn, xusayna inu xisbiga Ucid ka tirsanyahay kana mid yahay.

    Wasiirkii Hore ee Waxbarashada somaliland Xasan Gadhweyne oo Raalligelin Hawada u Mariyey Gabadh uu sheegay inu dhowaan aflagaadeeyey oo anu marki hore garanayn, xusayna inu xisbiga Ucid ka tirsanyahay kana mid yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Hore ee Waxbarashada somaliland Xasan Gadhweyne oo Raalligelin Hawada u Mariyey Gabadh uu sheegay inu dhowaan aflagaadeeyey oo anu marki hore garanayn, xusayna inu xisbiga Ucid ka tirsanyahay kana mid yahay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne), ayaa raallingelin buuxda hawada u mariyey gabadh uu adeer u yahay oo uu sheegay inuu isagoo cadhaysan ku yidhi kalmad aan habboonayn.

 
Md. Xasan-gadhweyne oo daba socday qoraal lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka internetka oo lagu sheegay inuu dhirbaaxay, isla markaana aflegaadeeyey haweenay lagu magacaabo Sahra Mooge isagoo ku sugan magaalada Berbera maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, waxa uu caddeeyey haba yaraatee in aannu gacan u qaadin gabadhaas, balse waxa uu xusay inuu ku yidhi kalmad aan fiicnayn, kadib markii sida uu tilmaamay ay haweenaydaasi dhowr jeer ku aflegaadaysay isaga oo fagaare amma hudheel fadhiya.

 
"Inanta la yidhaa Sahra Mooge oo aan markii dambe ogaaday inaan adeer u ahay oo aanan hore aqoon, ayaa dhowr goor oo hore meelo kala duwan iigu aflegaadaysay. Sidoo kale, maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay ayey anigoo odayaal la fadhiya hudheelka Xeeb-soor ee magaalada Berbera markale igu maagtay, aniguna waan yara cadhaysnaa, kadibna waxa iga dhacday kelmad aan habboonayn. Sidaa darteed, inantaa aan adeerka u ahay raalligelin iyo xaal-marin ayaan hawada u marinayaa, dhaqan iyo hiddena uma lihi cayda dumarka,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu markale caddeeyey inuu ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, hiil iyo taageero buuxdana la garab taagan yahay murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaas Mr. Jamaal Cali Xuseen oo uu ballanqaaday in aannu weligii cidla’ kaga tegi doonin.

"Aniga iyo Jamaal Cali Xuseen waxaannu wada saarannay doonnida UCID, isaga ayaana naakhuude ka ah, ilaa aannu guulaysanno amma ay nala degaysana kala hadhi mayno, waana siyaasi da’yar oo aan adeer u ahay, waxaanan ugu jiraa kaalintii aabbihii, fagaarayaal badanna waan ka caddeeyey arrintaas, waxana ugu dambeeyey kulan aannu aniga iyo odayaal kale oo badan la yeelannay dhowaan Madaxweynaha Somaliland,” ayuu yidhi Xasan Xaaji Maxamed Warsame (Gadhweyne).

Aflashacabka.com
Hargeysa Somaliland