Soomaali Tiro Badan oo lagu Xidh Xidhay Waddanka Angola

0
Monday August 24, 2015 - 08:43:31 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Tiro Badan oo lagu Xidh Xidhay Waddanka Angola

    Ku dhawaad 100 Ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo Warramayaa inay Xabsiga u Taxaabeen Booliiska Dalka Angola,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 100 Ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo Warramayaa inay Xabsiga u Taxaabeen Booliiska Dalka Angola,

kaddib Howlgallo lagu baadi-goobayo dadka magan-galyo doonka ah oo illaa Toddobaadkii lasoo lasoo dhaafay ay ciidamadu ka sameeyeen magaalooyinka waa-weyn ee dalkaas.

Afhayeen u hadlay Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, Maxamed Deeq Dhiblaawe oo la Hadlay Idaacad Maxalli ah ayaa Sheegay in Muwaadiniinta Angola lagu Xidh-xidhay ay ahaayeen ganacsato Waddankaas ku noolaa, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Booliisku inaysan sharci-haysan.

"Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay Booliiska Angola Xabsiga u Taxaabeen Waxaa lasoo qab-qbatay iyagoo shaqooyinkooda ganacsiga ah haysta, Qaarkood jir-dil ayaa loo geystay, kuwo kalena weli wax raashin ah lama siin tan iyo markii la xidhay” ayuu yidhi Dhiblaawe.

Caasimadda_Dalka_Angola_660

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ganacsato Ajaanib ah ay booliiska heshiis kula galeen in ganacsatada Soomaalida ah la xiro maadaama ay dalkaas ka sameeyeen horumar dhanka ganacsiga ah.

Kumannaan Somali ah ayaa markii dalku uu dagaallada sokeeye ka billowday ayaa waxay u qaxeen dalal badan oo Afrika ah; kuwaasoo ay ku jirto Angola, halkaasoo ay ka furteen dukaamo ganacsi oo waaweyn.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Angola ayaa Waxay meel sare ka Gaareen ganacsiga, iyagoo Qaarkood dhaqaale fara badan ay ka sameeyay dalkaas, taasoo sababtay inay cadow badan yeeshaan.

Ugu dambeyn, Somali fara badan ayaa ganacsiyo waaweyn ka sameystay qaar ka mid ah dalalka Afrika tan iyo markii ay dalkooda uga carareen cooladaha labaatameeyada sano ka socday dalka. Iyagoo dalalka qaarkood kala kulmay caqabado ay ka mid yihiin dilal, dhac joogto ah iyo xadhig. 




Contact@afkashacabka.com