Wasiir Xaglatoosiye oo ka saaridii Buuhoodle uu ka saaray Cali khaliif ku kasbaday Taageero Aan Xad lahayn iyo Shacabka Caasimadda Hargeysa oo an u kala hadhin So Dhoweyntiisi Saka+SAWIRO

0
Monday August 24, 2015 - 14:49:16 in by salman abdi
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xaglatoosiye oo ka saaridii Buuhoodle uu ka saaray Cali khaliif ku kasbaday Taageero Aan Xad lahayn iyo Shacabka Caasimadda Hargeysa oo an u kala hadhin So Dhoweyntiisi Saka+SAWIRO

    Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa.

 boqolaal Gaadhi oo ay ku xardhan yihiin sawirada iyo hal ku dhigyo lagu soo dhaweynaayo Wasiir Xaglatoosiye waxay kaga hor tageen cidhifka bari ee Magaalada.

imageimageimage

Masuuliyiinta ka dhex muuqday soo dhaweynta Wasiir Xaglatoosiye waxaa laga xusi kara, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo uu horkacaayay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Saladiin, bahda Saxaafadda dhalinyaro, aqoon yahano iyo dadweyne kale.

Xamaasad xoogan ayaa laga dheehanaayay inay ku ladhnayd soo dhaweynta Wasiirka Caafimaadka, oo ka soo kicitimay Gobolka Buhoodle. 

Dhammaan masuuliyiintii ka hadashay soo dhaweyntiisa waxay ku tilmaameen Wasiir Xaglatoosiye yahay masuul ka soo baxay shaqadii loo igmaday sidoo kale ay ka go’antahay nabadeynta degaanada bariga qaarkood gaar ahaan Gobolka Buhoodle, sidoo kale waxaa si weyn loogu ammaanay Wasiir Saleebaan Ciise Axmed, (Xaglatoosiye) talaabadii uu ka qaaday Cali Khaliif Galaydh oo nabad gelyo darro u soo waariday Gobolkaas isla markaasna uu kaga saaray Buuhoodle.