Xaaji Cabdiwaraabe oo Talo waayeelnimo u soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dhalinyarada Xaafadaha ee kooxaha isu laaya

0
Monday August 24, 2015 - 14:59:10 in by salman abdi
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaji Cabdiwaraabe oo Talo waayeelnimo u soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dhalinyarada Xaafadaha ee kooxaha isu laaya

    Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa axsaabta mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhilinyaradda kooxaha isku disha ee xaafadaha caasimadda Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa axsaabta mucaaridka ah ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dhilinyaradda kooxaha isku disha ee xaafadaha caasimadda Hargaysa.

Waxaanu sheegay in madaxda mucaaridka oo doonaya in ay dalka iyo dadka hogaamiyaan hadana ay bulshadii ka dhex wadaan in ay kala xigtaystaan.

Wuxuuna Xaaji C/waraabe tilmaamay in aanay masuuliyiinta xisbiyadda mucaaridku kala xigtaysan bulshadda, haddii ay sidaasi ku sii socdaana aanay hadhow cidi dooranaynin. 

Sidoo kale Wuxuu bulshadda u soo jeediyay talooyin dhaxal gal ah, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhalinyaradda xaafadaha caasimadda dhibaato ku haya bulshadda.wrbe

Xaaji Cabdi waraabe waxa uu arrimahaas iyo kuwa kaleba kaga hadlay dood ay xildhibaanada golaha guurtidu ka yeesheen xaalada nabadgelyada dalka fadhigii shalay ee golahaas oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka kawaad ahana ku simaha gudoomiyaha Md. Siciid Jaamac Cali. ayaa yidhi
"Nin madaxnimo doonaya oo hadana dab shidayaa waa cajiib, haddii uu wixiiba baabiinaayo xagee buu kursiga ka doonayaa.Waxaan leeyahay siyaasiyiintu yay dadka kala xigtaysan. Dhamaan bulshada madax bay u yihiin ama madaxnimay ka doonayaan, nin madaxnimo doonaya oo colaad tabcay isagaa iska saaray meesha cidi hadhow dooran mayso” ayuu yidhi Xaaji C/kariin.
Xildhibaan Xaaji Cbadi Waraabe oo ka hadlayay si looga baxo dhibaatada dhalinyarada kooxo-kooxaha isku disha waxa uu yidhi "Sida wax looga qabanaayo dhalinyarada habeenkii wareegaysa ee dadka dhibaysa, bilayska tuur-tuuraysa. Waxaan soo jeedinayaa in marka ugu horaysa bilayska la xoogeeyo oo lala shaqeeyo qofkastaana gacan ha siiyo booliska. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wax laga qabto dhalinyarada kooxo-kooxaha isku raacda ee loo taagla yahay, waa in meel lagu xareeyo oo lagu dhaqaaleeyo markay halkaa bilo ku jiraan ee la baro xirfado kala duwan la baro iyagoo raga ayay soo bixi.”
Dhinaca kale xaaji C/waraabe waxa uu amaanay doorka culimadda dalka, isla markaana ay markastaba ku hawlan yihiin sidda ay bulshadda waxa wanaagsan ugu sheegayaan. Waxaanu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay cililada oo uu sheegay in ay waajib koodii ka soo baxeen.
Waxaanu yidhi "Culimada diintu xilkoodii si fiican bay uga soo baxeen, markasta bulshadii bay wax u sheegayaan oo wanaaga farayaan alle ha barakeeyee waan bogaadinayaa. Haweenkeenu kuwa dibada jooga iyo kuwa dalka joogaaba mudakar bay noqdeen oo waxay ka qayb qaataan dhinacyada horumarinta bulshada sida amaanka, caafimaadka iyo waxbarashada. Haddii aynu nahay Guurtida iyo wakiilada waxa inala gudboon in aynu wacyigelinta badinaa oo socdaalo ugu kala baxnaa guud ahaan dalka”.
Sidoo kale Axmed Muue Obsiiye oo isna arrimaha nabadgelyada ka hadlayay ayaa halkaasi waxaanu yidhi "Nabadda dadkaa u baahan. Haddii kii u baabnaa uu ku ciyaaro dhibteeday leedahay. Waxaan leeyahay dhalinyarada kooxo-kooxaha isku disha ha la mariyo sharciga dalka u yaala. Waxaan soo jeedinayaa in laysku duubnaado oo bileyska lala shaqeeyo.