Madaxweynaha Somaliland oo Wasiirkuxigeen Cusub u magacaabay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu Baneeyey Cabdikarin Axmed moge

0
Monday August 24, 2015 - 16:25:39 in by salman abdi
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Wasiirkuxigeen Cusub u magacaabay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu Baneeyey Cabdikarin Axmed moge

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada somaliland aya alagu magacaabay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshaynta, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada somaliland aya alagu magacaabay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshaynta, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:


WAR-SAXAAFADEED

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

digreeto madaxweyne oo summadeeduJSL/M/XERM/249-3515/082018ku magacaabayWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.

 

Madaxweynaha:-

 

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.