Hal Balyan Oo Qof Oo La Shaaciyay In Ay Boqdaan Facbook Ga iyo Mulkila Facbook Oo Ka Hadlay

0
Friday August 28, 2015 - 21:07:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Balyan Oo Qof Oo La Shaaciyay In Ay Boqdaan Facbook Ga iyo Mulkila Facbook Oo Ka Hadlay

    Mulkiilaha Shabakadda ugu weyn ee xidhiidhka bulshada ee facebook-ga, Mr Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in markii ugu horaysay shaaciyay in dad tiradoodu kor u dhaaftay hal bilyan oo qof ay maalin kasta si joogto ah u isticmaalaan Shabakada Facebook-g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulkiilaha Shabakadda ugu weyn ee xidhiidhka bulshada ee facebook-ga, Mr Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in markii ugu horaysay shaaciyay in dad tiradoodu kor u dhaaftay hal bilyan oo qof ay maalin kasta si joogto ah u isticmaalaan Shabakada Facebook-ga, sidaana waxa uu ku bayaamiyay qoraal uu shalay oo khamiis ah uu baahiyay.

Mr Mark Zuckerberg, waxa uu sheegay in ay arrintani tahay guul ay gaadheen maalintii isniinta ahayd ee todobaadkan aynu ku jirno, waxaanu xusay in todobadii qof ee ka mid ah dadka dunida ku noolba uu qof ka mid ahi uu isticmaalo shabakada facebook-ga si uu ula xidhiidho eheladiisa iyo asxaabtiisa.

 

Shabakadda Facebook-ga, waxa ciwaano ku leh dad ay tiradoodu kor u dhaaftay hal bilyan iyo badh qof, oo dunida ku nool, kuwaas oo qaar ka mid ah ay bishiiba hal mar furaan ciwaanadooda, waxaana shabakaddan la aasaasay sanadkii 2004-tii, waxaanu ahaa qofkii u horeeyay ee bilaabay Mr Zuckerberg, oo ah mulkiilaha shabakada facebook-ga, xilligaas oo uu arday ka ahaa jaamacadda caanka ah ee dalka Maraykanka ee Harvard University.

Bishii july ee sanadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, ayay masuuliyiinta sarsare ee shabakadda Facebook-gu ay shaaciyeen in kala badh dadka dunida ku nool ee isticmaala adeega Internetku, in bishiiba mar ay booqdaan shabakadda Facebook-ga.


Contact@afkashacabka.com