Hooyo Somaaliyad Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Caruur La Baxsatay Oo Maxkamad Ku Tala Dalka Canada La Saaray

0
Saturday August 29, 2015 - 17:47:54 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Somaaliyad Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Caruur La Baxsatay Oo Maxkamad Ku Tala Dalka Canada La Saaray

    Anisa Mohamed Ibrahim oo deganeyd Magaalada Manchester Ee Wadanka Britain, ayaa sanadkii 2010-ka waxay soo degtay Magaalada Toronto, xilli ay la soo carartay laba wiil ay dhashay. Haweeneydan ayaa magac aan midkeeda ahayn isaga dhiibtay Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anisa Mohamed Ibrahim oo deganeyd Magaalada Manchester Ee Wadanka Britain, ayaa sanadkii 2010-ka waxay soo degtay Magaalada Toronto, xilli ay la soo carartay laba wiil ay dhashay. Haweeneydan ayaa magac aan midkeeda ahayn isaga dhiibtay Canada.

Booliska Manchester iyo Toronto, ayaa iska kaashaday soo qabashada haweeneydaasi, taasoo ugu dambeen bartamihii bishan lagu xidhay Magaalada Himilton.

Booliska Toronto, ayaa sheegay inay soo idlaatay muddo shan sano ah oo haweeneydaasi la baadigoobaayay, markii ay helayn xog ku aadan inay ku sugan tahay Magaalada Himilton.
Jimcihii, ayaa waxay ka soo muuqatay Maxkamadda Magaalada Himilton, waxaana lagu soo oogay in carruurta kala soo baxsatay Britain, xilli aanu waxba kala socon aabaha dhalay, oo lagu magacaabo Abdul Abubakar.
Maxkamadda, ayaa kiiska hooyadan Somaliyeed dib u dhigtay illaa 11-ka bisha soo socoto ee September, markaasoo markale la dhageysan doono eedeymaha loo haysto.
Bayaan uu soo saaray Marine Corps Systems Command, ayaa lagu sheegay muddo laba sano ah in aabuhu uu doon doonaayay carruurtiisa, sidoo kalana uu la xidhiidhay hooyadood, isagoona ka codsaday inay u soo sheegto halka ay ku sugan yihiin, bal si uu u ogaado waxa ay wiilashu ku sugan yihiin.
Wiilasha oo 10 jir iyo sideed sano jir ah, ayaa laga qaaday hooyadan, waxaana la geeyay xarumaha carruurta lagu xannaaneeyo. Haddii Maxkamaddu ay eedeymahaasi ku hesho Anisa, ayaa waxaa suurta gal ah iyada iyo laba wiilba in dib loogu celiyo Boqortooyada Britain.
Jaaliyadda Somaliyeed ee Magaalada Himilton oo shalay soo buuxiyay Maxkamadda, ayaa waxay muujiyen sida ay u garab taagan yihiin hooyadaasi. Sahra Farah oo ka mid ah Jaaliyadda, ayaa sheegtay inay garab jooggaan Anisa.

Contact@afkashacabka.com