Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Booqday Ciidanka Ku Sugan Jiida Hore Ee Deegaanka Godod

0
Saturday August 29, 2015 - 18:11:39 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Booqday Ciidanka Ku Sugan Jiida Hore Ee Deegaanka Godod

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-8-2015 booqday ciidanka ku sugan jiida hore ee deegaanka Godod oo qiyaastii 30-kiilo mitir ujirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-8-2015 booqday ciidanka ku sugan jiida hore ee deegaanka Godod oo qiyaastii 30-kiilo mitir ujirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.


Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegaankaasi waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan jiida hore ee difaaca deegaanka Godod.

Ciidankan oo u tababar difaacida dalka ayaa wajiyadooda waxa laga dheehanayey farxad iyo reyn reyn, waxaana ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay u difaaci lahaayeen Diinta, Dadka iyo Dalkooda oo ay u dhaarteen.


Madaxweyne Gaas ayaa ciidanka iyo saraakiishooda ku amaanay dadaalka ay wadaan, isagoona ku booriyey in ay laba jibaaraan difaacidda dalkooda iyo adkeynta nabadgelyada .

 

Madaxweynaha ayaa intaas kadib kormeeray ceel riig ah oo laga qodayo deegaanka jeexdin oo u dhaxeeya deegaanka Godod iyo magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Contact@afkashacabka,com