Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, oo ka DareenCeliyey Mashariic saga iyo Wasiiraka Maaliyaddu ka soo fureen Degaanka Sayla

0
Tuesday September 01, 2015 - 08:45:15 in by salman abdi
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, oo ka DareenCeliyey Mashariic saga iyo Wasiiraka Maaliyaddu ka soo fureen Degaanka Sayla

    qoraal kooban oo uu Wasiirku ku baahiyay bartuu ku leeyahay Degalka Internetka ee Guusha.com wuxuu u dhignaa sidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qoraal kooban oo uu Wasiirku ku baahiyay bartuu ku leeyahay Degalka Internetka ee Guusha.com wuxuu u dhignaa sidan.


"Waxay ahayd maanta kadib markaan socdaal shaqo ku gaadhnay degmada Sayla halkaas oo aan u tegnay furitaanka saldhig boolis iyo dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo bulshadu baahi weyn u qabtay.

Socdaalkan shaqo oo aan isku wehelinaynay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cabdi Daahir Camuudi, taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan , Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ahaa mid looga gol lahaa dardar gelinta hawlaha maamul ee degmada iyo indho-indhaynta baahida aasaasiga ah ee ka jirta guud ahaanba deegaanka.

Intii aan ku sugnayn degmada ayaan bulshada halkaas ku sugan u furnay saldhig boolis oo ay iska kaashadeen bulshada ku nool degmada iyo dawladu kaasi oo wax badan ka tari doonaa nabadgelyada isla markaana xoojin doona habsami u socodka hawl maalmeedka bulshada ku dhaqan Saylasayla bari

Waxaan si gaar ah u xusayaa Muwaadinada Hibaaq Yusuf Adan oo gacan weyn ka gaysatay hirgalinta dhismaha saldhigan boolis " waa bisaylka iyo dal-jacaylnimada dadkeena in ay xataa gacan ka gaystaan adkaynta nabadgelyada isla markaana gartaan in Boolisku yahay saxiibka dadweynaha”

Waxaan sidoo kale dhagaxii bilowga u dhignay laba dhisme oo degmadu baahi weyn u qabtay kuwaas oo kala ahaa Maxkamadii degmada iyo gurigii martida.

"Marka degmadu yeelato saldhig boolis oo ku qalabaysan ciidan iyo wax walba oo lagama maarmaan u ahaa adkaynta nabadgelyada isla markaana hesho Maxkmad xukunta dambiilaha lasoo qabto waxaa hubaal ah in ay cagta saartay dhabadii horumarka halkaasna ay ku heshay xakamo kala dabaala bulshada goobta kuwada dhaqan”

Qofna korkiisa biyo kama hagrado sidaasi si lamid ahna dawlada waxaa ka go’an horumarinta degmo iyo deegaan walba kolba intii suurogal ah ee aynu dawlad iyo shacaba isku kaashano guusha dalkeena Somaliland

Hadii aad jeclaysato daawashada socdaalkii shaqo ee maanta fadlan hoos riix: