"Xisbiga WADDANI waxaan Ku diidanahay oo aan oo aan ku dhaliilayaa way jirtaa. Waxa aan jeclaa..."Axmed Xaji Dahir

0
Wednesday September 02, 2015 - 11:09:27 in by
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga WADDANI waxaan Ku diidanahay oo aan oo aan ku dhaliilayaa way jirtaa. Waxa aan jeclaa..."Axmed Xaji Dahir

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee xukuumadii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa sheegay inuu qawadsan yahay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ka tirsan yahay, waxaanu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee xukuumadii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa sheegay inuu qawadsan yahay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ka tirsan yahay, waxaanu...  tilmaamay in aanu lahayn wax barnaamij siyaasadeed ah oo ay ummada u soo bandhigaan.

Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa sidan ka sheegay waraysi uu la yeeshay suxufiga ruugcadaaga ah ee Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal, ayaa waxa uu ku dooday in xukuumada Kulmiye dalka ka fulisay wax-qabad aan la dafiri Karin, waxaana uu ku dooday in aanay waxba ku hagaagayn in wax kasta la mucaarido.

"Waxa ay ku fiican tahay siyaasaddu in dalka dhinac kasta ka eegtid mana aha in Telefishan uun laga hadlo maadaama oo shantii sannadood ee dawladda u dhammaatay. Xisbiyadda qaranka laftoodana shan sannadood ayaa la doortay way jirtaa. Xisbiga WADDANI waxaan Ku diidanahay oo aan oo aan ku dhaliilayaa way jirtaa. Waxa aan jeclaa in xisbiga WADDANI barnaamij loo sameeyo oo aanu aragno oo dadka la tuso waxa aanu doonayno oo dadka lagu soo jiito oo ay noqoto wax wax tar ah oo qiimo leh oo aad ku bedalaysid kulana tartamaysid xukuumadda maanta joogta. Waa inaad tidhaahdaa qoddobkaas iyo barnaamijkaas ayaan kaga duwan nahay. markaa illaa imika barnaamij siyaasadeed oo xisbiga WADDANI iiga muuqdaa ma arragno, arrmahaas ayaan ku qawadayaa xisbigayaga WADDANI,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafintu.

 

Axmed Xaaj Daahir mar uu ka hadlayay sida uu u arko waxqabadka xukuumadda KULMIYE, waxa uu yidhi "Waan ku ammaanayaa xukuumadda tallada haysa wixii dalka ay ka qabatay idaacadii waa la weyneeyay, Telefishankii waa la sii balaadhiyay la iskuma hayo, Madbacadaha Cusub waan ku amaanayaa. waddooyinka la dhisay aad iyo aad ayaa wax muuqda oo la dafiri Karin ayaa la qabtay haddii la yidhaahdo wuxuun baan mucaaridaynaa waxa aan u malaynayaa in waxba dalka hagaagayne haa wax badan waa la qabtay iskana indho tiri mayno beena ka sheegi mayno.” ayu yidhi