Caalamka(AFKA)Shaqaale U Dhashay Dalka Turkiga Oo Goor Dhaweyd Lagu Afduubay Waddanka Iraq.

0
Wednesday September 02, 2015 - 21:56:20 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka(AFKA)Shaqaale U Dhashay Dalka Turkiga Oo Goor Dhaweyd Lagu Afduubay Waddanka Iraq.

    Dabley Hubeysan ayaa maanta ku afduubtay magaalada Baqdaad illaa 18 shaqaale Turkish ah oo u shaqeynayay Shirkad qaabilsan dhismaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley Hubeysan ayaa maanta ku afduubtay magaalada Baqdaad illaa 18 shaqaale Turkish ah oo u shaqeynayay Shirkad qaabilsan dhismaha.

Saraakiil Turki iyo Ciraaq ayaa xaqiijiyay shaqaalahan lagu afduubtay garoon kubadda cagta ah oo ay howlo dhismo ka wadeen oo ku taala bariga degmada Sadr City ee magaalada Baqdaad

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhamaan dableyda afduubka ka dambeysay ay wateen dareyska milateriga, waxaana badankood dadka la afduubtay ay ahaayee kuwo hurdayay. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga Tanju Bilgic ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dadka la afduubtay ay ahaayeen 14 shaqaale, saddex Engineero iyo nin xisaabiye ah.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay si dhow ugala shaqeyneyso maamulka Ciraaq arrinta ku saabsan afduubkan

Turkiga ayaa dhowaan ku biiray dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo saldhig milateri oo dalkiis ku yaala uu u ogolaaday Xulufada uu Mareykanka hogaamiyo inay isticmaalaan. Lama oga illaa iyo hada cida ka dambeysa afduubkan loo geystay shaqaalaha u dhashay dalka Turkiga.


Xamse Cisman Fabregas Burco/Office
Contact@afkashacabka.com